Garowe 15.June 2014 (SDN/QJ)-Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay oo shir jaraa’id ku qabtay magalada Garowe ayaa sheegay inay ka xun yihiin qaabkii ay xaalada Sool Safiiradda Maraykanka,Ingiriiska iyo Midowga Yurub uga hadleen taasoo uu ku tilmaamay inaysan la socon xaalada deegaanadda iyo sida loo kala dego.
”Waxan aad uga xumahay iyagoo siyaasiyiin ah mudanaa dalka joogay inaanayn wali dalka Juquraafigiisa iyo qaab dhismeedka umadda Soomaaliyeed oo Qabiil ku dhisan aysan fahmin,waxan oranayaa idinka oo waqtigiina ka faa’iidaysanaya horta dhulka Barta,dhulkaasi waxaan cadynayaa inay reer Puntand lee yihiin”Camay ayaa yiri.
Docda kale waxa uu mar kale ku celiyay Mamulka Siilaanyo iyo kooxda Alshabab inay isku garab yihiin oo saraakiil Alshabab ah ay kasoo dagaan garoonka diyaaradaha magalada Hargaysa wuxuna cadeeyay mar kasta oo ay duulaan soo qaadaan ciidanka Somaliland inay soo galiyaan buuraha Puntand Alshabab.
Hadalka Madaxwayne ku xigeenka ayaa yimi ka dib markii Safiiradaasi ay sheegeen Gobalka Sool inay ku muransan yihiin mamuladda Puntland iyo Somaliland sidaasi darteedna labada dhinac ay nabada ka wada shaqeeyaan.
Labo maalin ka hor ayay ahayd markii ciidamo ka socda Somaliland ay soo galeen Degmada Taleex ee Gobalka Sool halkaasoo xiisado kacsanaan ah laga soo sheegay ma jirto tilaabo hadal dhaafsiisan oo ay Puntland falkaasi ka qaaday.
Balse madaxwayne ku xigeenka shirkiisa jaraa’id ayuu ku sheegay inay tilaabo cad ka qaadi doonaan hadlaka Beesha caalamka iyo tilaabada ciidanka Somaliland.
GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKA MADAXWEYNE XIGEENKA PUNTLAND
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Camey15j.mp3″]
Garowe SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
contact@somalidiasporanews.com
