|

Caasimada Dalka Brazil ee Rio De Janerio oo Lagu soo Gabo Gabeeyay Tartankii Ciyaaraha Olombikada Adduunka

Rio De Janerio 22.Aug 2016 (SDN/QJ):- Tartanka cayaaraha Olombikada adduunka ee sannadkan 2016-ka ayaa lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Rio De Janerio ee dalka Brazil.

rio1-300x168Xiritaanka tartanka ayaa lagu maamuusay, xaflad lagu qabtay garoonka cayaaraha ee Maracana Stadium.

Xafladda waxaa ka qayb galay madax sare oo uu ka mid yahay ra’iisal wasaaraha dalka Japan, Shinzo Abe oo sannadka 2020-ka dalkiisa lagu qaban doono tartanka Olombikada caalamka ee ku xiga midka lasoo gabagabeeyay.

Tartanka oo socday muddo 16 maalmood ah ayaa lagu tartamay cayaaro kala duwan oo dhammaantoodba ku jira diiwaanka cayaaraha Olombikada adduunka.

Dalalka ku guulaystay cayaarahaas ayaa ugu horreeya dalka Maraykanka oo helay 121 billadood oo ay ku jiraan 46 dahab ah.

Kaalinta labaad ayaa waxaa galay dalka Britain oo helay 67 billadood, halka kaalinta saddexaadna uu galay dalka Shiinaha.

Comments are closed