|

Dawlada Puntland oo Beenisay in Qaraxyadii Shalay Haween Gaysatay DHAGAYSO

Gaalkacayo 22.Aug 2016 (SDN/QJ):- Madaxwayne ku xigeenka dawlada Puntland mudane C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar oo saaka booqday xarumihii caafimaadka ee lagu dabiibayey dadkii waxyeeladu kasoo gaartay qaraxii shalay ayaa sheegay inay dhamaan wanaagsanyihiin xalaada caafimaad ee dadkii waxyeeladu soo gaartay.

Madaxweyne Ku Xigeenka Punt landMadaxwayne Ku xigeenka ayaa sidoo kale wuxuu xusay qaraxyadii shalay kii hore inuusan waxyeelo badan gaysan balse kii danbe uu waxyeelo u gaystay shacabka ciidamada dawlada Puntlandna ay diifaac badan muujiyeen ka hor inta uusan gaarigu soo galin meesha uu qaraxu ka dhicin.

C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar ayaa sidoo kale talo ugu soo jeediyey shacabka Soomaaliyeed markii meel qarax ka dhaco inaysan ku soo  yaacin isagoo sheegay inay dhici karto tii shalay ka dhacday magaalada Gaalkacyo.

Gaba gabadii Madaxwayne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay inay dawladu dadka dhaawaca ay diyaarad ku qaadayso si xaaladooda caafimaad loogula tacaalo dalka dibadiisa.

Comments are closed