|

Cabdiqaasim Salaad Xasan oo ka soo horjeestay faragalinta Kenya iyo Ethiopia

Qaahira May 31 2013 (SDN)— Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdi Qaasim Saladaad Xasan oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliya ee VOA-da  ayaa waxaa uu sheegay in uu ka soo horjeedo faragalinta Kenya iyo Ethiopia ay hada kawadaan dalkan Soomaaliya.

Cabdi Qaasim Salaad Xasan oo ku sugan Magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ka gudubtay KMG islmarkaana loo baahanyahay in la taageero.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay mas’uul ka tahay dalka Soomaaliya iyadana looga baahan yahay in shacbiga Soomaaliya ay ku gacan siiso sameynta maamulada dalka laakiin aan loo baahneyn in dad dankale u fulinaya dowlada shisheeye ee dowladda ka soo horjeestaan.

C/qaasim oo wax laga weydiiyay faragalinta Kenya iyo Ethiopia ayaa yiri: “ Ma ogalin faragalin shisheeye nuuc kasta oo ay ahaato, waqtigii aan joognay waan ka soo horjeesanay hadana waan ka soo horjeednaa”.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa carabka ku dhuftay in dolwadda Maraykanka ay isku day’day sanadkii 2003dii in ay Ciidamo Ethiopian ah u soo dirto Soomaaliya laakiin dowladiisii ay u qeyladhaamisay hay’addaha caalamiga ah kuwaasi oo ka hortagay.

Qaahira- SDN

Comments are closed