|

Madaxweynaha Suuriya oo u digay dalka Israel

Dimishiq May 31,2013(SDN)-Madaxweynaha dalka Suuriya Bashaar Al Asad ayaa digniin culus u jeediyay dalka Israel ee dhawrka jeer duqeeyay degaano ka mid ah Suuriya dhawaan.

Madaxweynaha ayaa hanjebaadan ka jeediyay TV laga leeyahay dalka Lubnaan oo wareysi la yeeshay.

Madaxweynaha Suuriya ayaa sheegay in haatan ay soo gaareen shixnadihii u horeeyay Hub casri ah oo Ruushku dhawaan siiyeen.

Gantaalada Ruushku Siiyeen dalka Suuriyaa ayay Israel u sheegtay in ay halis ku yihiin amaankeeda.

Madaxweyne Bashaar ayaa sheegay in dawladiisu aaney u dulqaadan doonin duulimaad danbe oo uga yimaada Yuhuuda.

Waxaanu sheegay in ay degaanka Golan uu dib uga soo cusboonaan doonaan dagaalo lagu hoobto.

SDN-Dimishiq

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed