|

Nuxurka isku-shaandhaynta ciidamada ee madaxweyne Biixi

Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta isku shaandhayn ku sameeyay hoggaanka kala duwan ee ciidamada Somaliland, oo uu qaarkood xilka ka qaaday qaarna dalacsiiyay.

Muuse Biixi wuxuu mar kale qaaday tallaabo uu beesha Garxajis ku siinayo taliyaha ugu muhiimsan ciidamada Somaliland ee Sirdoonka, iyadoo xubno beesha ahi ay hore hoggaanka ugu hayeen ciidamo kala duwan sida Booliska iyo ciidamada RRU ee sida gaarka ah u tababaran.

Taliyaha Sirdoonka Somaliland ayaa loo magacaabay Faysal Guhaad Cabdi oo kasoo jeeda Beesha Garxajis.

Magacaabistan waxay dadka siyaasadda Somaliland falanqeeyaa ku tilmaameen mid madaxweyne Biixi cadaadis dheeraad ah ku saarayo beesha Garxajis iyadoo ay u muuqato “isku-jabin” beesha dhexdeeda ah maadaama saraakiisha ugu muhiimsan ee ciidamada tallaabo qaadi kara iyo kuwa xogaha ururiya uu ka dhigay Garxajis.

Somaliland waxa ka taagan xiisad culus oo u dhaxaysa mucaaradka Somaliland iyo xukuumadda madaxweyne Biixi. Beesha Garxajis waxay taageero u tahay xisbiyada mucaaradka ah.

Comments are closed