Uncategorized

“Cali Khaliif Waa Nin Gabadhi Dhashay’Buuhoodlena Noqon Mayso Dhagax La Isku Taago.” Wasiir Saleebaan Xaglo-toosiye

Hargaysa 05.May 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye),ayaa sheegay in Buuhoodle uu yahay deegaankiisii isla markaana uu ku yimi jacaylka ay u qabaan dadkiisu,waxaanu intaa ku daray in Cali Khaliif uu yahay nin abti loo yahay oo magaalada iman kara laakiin aan wax faro galin ah ku yeelan Karin masiirka siyaasadeed ee reer Buuhodle.

XagloWasiir Saleebaan Ciise Axmed(Xagl-toosiye)waxaa kaloo uu ka hadlay socdaalka uu ku tegay magaaladda Buuhoodle oo uu ku tilmaamay inuu ka mid yahay safarro uu dalka Somaliland badankiisa ku soo maray oo uu sheegay inuu ugu kuur galayay xaalada  iyo habka ay u shaqeeyaan adeegyada caafimaad ee dallka oo dhan.

Wasiir Xaglo-toosiye oo waraysi siiyey Idaacadda BBC-da, ayaa sheegay in socdaalka uu Buuhoodle ku  joogaa ka mid yahay kormeer uu wasiir ahaan ku marayo gebi ahaanba Somaliland si uu wax uga ogaado arrimaha caafimaadka iyo halka ay marayaan.

“Sababtaan Buuhoodle u tegay waa mid la xidhiidha safarradii aan  ku marayey waddanka somaliland ee aan ugu guurgalayey adeegyada iyo xarumaha caafimaad ee waddanka maadaama aan wasiirka caafimaadka ahay, hadana waxan ku jiraa Kormeer aan ka bilaabay degmada Buuhoodle.” Ayuu yidhi Wasiir Xaglo-toosiye.

Waxaa kaloo uu intaa raaciyay “Buuhoodle waxa iigu dambaysay markii aan Nabadgelyada la saxeexday Madaxweyne Siilaanyo ee aan ciidamada ka rarnay meelahay Fadhiyeen Maxaabiistana soo deynay,, anigu waxan imi magaaladaydii Aabahay joogay, Tolkay Joogay, dadkaygu joogay ee deegaankayga ahayd.”

Waxa uu wasiir xaglo-toosiye sheegay inuu magaalada ku galay kalsoonida shacabka iyo waliba jacayl ay u qabaan dadku in horumarka Somaliland ay qabtooda ka qaataan, waxana uu yidhi,

“Ciidan Somaliland oo aniga daacad ii ahi waa joogeen,laakiin kuwaas kumaan imane waxan ku imi Nin ka mid ah degaanka oo u dhasay, wax ka qabtay shacacbkiisu taageersan yihiin, jecelyihiin waana la igu soo dhaweeyey.”

Waxa uu meesha ka saaray wasiirku jiritaanka Ciidamo iyo awood uu magaalada ku galay,

“Ciidan aan watay ma jirin, buuhoodle ciidan iyo Hantidaad iyo Tekniko laguma soo galo, soo dhaweynta maanta ii dhacdayna waxay ahayd mid aan anigu awood ku muquuniyeye waxay ahayd jacayl ay dadkaygu I jecel yihiin” ayuu yidhi xaglo-toosiye.

Wasiir Xaglo-toosiye oo a waydiiyay joogitaanka Cali Khaliif ee magaaladda Buuhoodle,ayaa ku macneeyay inuu yahay nin abti loo yahay oo soo gaadhay hooyadii oo magaalada deggan isagoo meesha ka saaray inuu ku lug yeelan karo siyaasadda guud  iyo masiirka bulshada reer Buuhoodle.

“Cali khaliif waa nin Gabadhi dhashay, deegaankana ka tirsan, Magaaladiisana jooga cid odhan karta Magaalada Ka baxna ma jirto, laakii ka ogolaan mayno cali khaliif siyaasadii isaga dantiisa ku saabsanayd, Buuhoodle noqonmayso dhagax la isku taago oo uu qofku ku gaadho dantiisa, balse Hooyadii baa joogta oo uu soo booqday, una malayn maayo inuu sameeyo dhaqdhaqaaq keeni kara Nabadgelyo darro.” Ayuu yidhi wasiir Xaglo-toosiye.

Hargaysa SDN/QJ.

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com