Hargaysa 01.Jan 2014 (SDN)- Maamulaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil Group, mudane Cabdirashiid Maxamed Siciid ayaa hambalyo iyo mahadnaq u rajeeyey macaamiisha shirkadaha, madaxda, hawlwadeennada iyo guud ahaan hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee wadashaqaynta dhow la leh shirkadaha, isaga oo sharraxaad ka bixiyey hawlihii kala duwanaa ee horumar, waxqabad iyo caqabadba lahaa ee shirkaddu kaga soo gudubtey 2013, isla markaana tilmaamay adeegyada iyo qorshayaal u meel yaal inay ka midho-dhaliyaan sannadka 2014.
War-murtiyeed uu soo saaray Maamulaha Guud ee Dahabshiil oo ku beegan curashada sannadka cusub, waxa uu ku sheegay in sannadkii 2013 hawlqabadka shirkaddu mar walba sii xoogaysanayey oo qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay soo kordhinayeen adeegyo iyo waxyaabo cusub, isla markaana ilaalinayey tayooyinka aasaasiga ah ee shirkaddu ku caan baxday sida aaminaadda, qiyamka iyo anshaxa sare u foojignaanta danaha iyo u-adeegista macmiisha.
Waxa Maamulaha guud ee Dahabshiil ka warramay caqabadihii shirkadda soo wajahay sannadkii 2013, gaar ahaan go’aankii Baanka Barclays isku dayey inuu ku xidho hab-xisaabeedka xawaaladda, waxaannu yidhi, “Carqaladda ugu weyn ee la soo gudboonaatay shirkadda sannadkii 2013 waxay ahayd go’aankii Baanka Barclays uu ku dhawaaqay ee ahaa inuu akoontyada (accounts) ka xidhayo ilaa 250 shirkadood oo macmiil la lahaa gudaha dalka Ingiriiska, kuwaasi oo ay ku jirtay qaybta xawaaladda ee Shirkadda Dahabshiil ee Ingiriiska. Waxa aan halkan mahadnaq u marinayaa dhammaan dadkii iyo hay’adihii gacanta ka gaystay ee is garabtaagay Dahabshiil sidii looga hortagi lahaa arrintaasi. Kalsoonida weyn ee aannu ku qabnay in aannu gar leenahay ayaa nagu sii dhiirrigelisay in dacwad aannu u gudbinno Maxkamadda Sare ee UK, taas oo xukun ku-meelgaadh ah oo ay ka soo saartay bishii November macnihiisu yahay in aannu sii wadan karno oo ay noo sii furnaanayaan adeegyadii Akoontiyada baanku.
“Sideedaba Shirkaddu,” ayuu ku daray Maamuluhu “waxay leedahay oo ay isticmaashaa Akoontiyo kala duwan oo ay ku kala leedahay baanan dhawr ah oo ku kala yaal dalalka adduunka, kuwaasi oo uu ku jiro Baanka caalamiga ah ee Dahabshiil, si macmiishayadu u helaan adeegyada ugu fiican. Ka sakow carqaladahaasi, haddana shirkadda Dahabshiil waxay awooday inay sii wado hawlaheedii iyo adeegyadeedii wax-ku-oolka ahaa, isla markaana ay sii kordhiso awoodeedii maaliyadeed ama dhaqaale ee ay ku lahayd dhammaan dalalka adduunka.”
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
