Uncategorized

Shakhsiyaad ku Eedaysan Qarax ka Dhacay Magaalada Gaalkacayo oo Ciidamadu Gacanta ku dhigeen

Gaalkacayo 01.Jan 2014 (SDN)- Ciidanka booliska Puntland ayaa maanta xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo ku qabtay shan qof oo dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay qarax shalay lagu dhaawacay ku xigeenka duqa magaalada Gaalkacyo ee Puntland Cabdi Cismaan Faarax.

qarax gaalkacyoDuqa magaalada Gaalkacyo ee Puntland Axmed Cali Salaad ayaa sheegay in eedeysanayaasha baaritaan uu ku socdo, islamarkaana la sii deyn doono ciddii lagu waayo wax dambi ah.

Wuxuu tilmaamay in ciidanku ay sii wadi doonaan howlgallada lagu sugayo ammaanka magaalada iyo guud ahaan gobolka Mudug.

Axmed Cali Salaad ayaa ugu baaqay dadka deegaanka inay ciidanka kala shaqeeyaan xoojinta ammaanka.

Gaalkacayo SDN.

Qurbejoog.com