Weriye Araga Naafo ka ah oo Ka Shaqeeya Radio Hargaysa & Sida uu Shaqadiisa u Qabsado isagoon Cid kaashan DAAWO

Hargaysa 08. September 2017 (SDN/QJ):- Mowliid Maxamed Odowaa waa nin dhalinyaro ah oo mihnadda Saxaafadda kaga hawl-gala hay’ado warbaahineed oo Idaacadda Dawladda ee Radio Hargeysa ka mid tahay u xil-saaran barnaamijyo todobaadle ah oo uu soo saaro, laakiin waxa uu weriyeyaasha kale ee dhiggiisa ee inta badan bahda saxaafadda ka tirsan kaga duwan yahay inuu…

Read More

Madaxweyne Ku Xigeenka Kooxda Khaatumo oo Cisbitaalka Guud ee Hargaysa Ku Booqday Dad Dhaawac ah DAAWO

Hargaysa 08. September 2017 (SDN/QJ):- Waxaa mudooyinkii u Danbeeyay Somaliland gaar ahaan caasimadda hargaysa ku sugan Hogaanka Sare ee Khaatumo oo wada hadal u socdo Xukuumadda Somaliland.   Hadaba Madaxweyne ku xigeenka Khaatumo ayaa Cisbitaalka Guud ee Hargaysa ku booqday dad dhaawac ah oo sida uu xusay ka tirsan Khaatumo. https://www.youtube.com/watch?v=pWTey8QSvEw

Read More

“Waxaad la socotaan hay’adihii dawlada. Baarlamaankii wuu dhintay, guurtidii way inaga dhimatay, maxkamadihiina way inaga dhinteen dekedda Berberana dan Somaliland leedahay looma wareejin’’ Gudoomiyaha Ku Meel Gaadhka ah ee Waddani

Hargaysa 08. September 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, ayaa sheegay inaan dekedda Berbera lagu wareejin dan Somaliland leedahay, waxaanu tilmaamay in hawlgaladii aqoonsi raadisku uu hoos u dhacay mudadii xukuumadda Siilaanyo talada haysay. Md. Jirde oo hadal ka jeediyay madal uu habeen hore kula kulmay dhallinyarada Degmada Axmed…

Read More

Maandooriyaha Khamriga oo si Xoogan loo Geliyey Gobolka Daad Madheedh & Hawlgal Culus oo Lagula Dagaalamayo DAAWO

Oodweyne 08. September 2017 (SDN/QJ):- Kulan ay yeesheen Maamulka Gobolka Daad Madheedh,ka Golaha Deegaanka ee Magaaladda Oodweyne,Bah’da Garsoorka Iyo Culimada Magaaladaasi ayaa lagaga arrinsaday sidii la isaga kaashan lahaa la dagaalanka Maandooriyaha Khamriga oo ay sheegeen in maalmihii u danbeeyay deegaano door ah oo ka tirsan Gobolka Daad Madheedh soo gelitaankiisu soo badanayay.

Read More

Dawlada Somaliland oo Daboolka Ka Qaaday 9 Kun oo Beerood oo Loo Qodayo Beeralayda Ku Dhaqan 135 Deegaan oo Abaartii Naafaysay

Hargaysa 08. September 2017 (SDN/QJ):- Xukuumadda Jamhuuriyadda  Somaliland,  ayaa shaacisay  inay  sagaal kun oo beerood loo qodi doono beeraleydii danyarta ahayd ee ay abaartii qalafsanayd ee horaantii sannadkan   ku habsatay dalku naafaysay wax-soosaarkoodii, Waxaana beerahan  laga qodi doonaa 135 degaan oo  gobollada dalka oo dhan  ku yaalla. Sidaasna waxa sheegay wasiirka wasaaradda beeraha Somaliland, Maxamed…

Read More

Sanaag: Muran Ka Taagan Maamulka Beenyada Iyo Go’aammo Guddiga Nabadgalyadu Soo Saaray

Ceerigaabo 08. September 2017 (SDN/QJ):- Waxa Muran ka taagan yahay Maamulka Beenyada uu Qaniga ku yahay Gobolka Sanaag ee Somaliland. Ka Ganacsiga iyo Maamulka Beenyada Gobolka Sanaag ayaa waxa ka taagan khilaaf u dhexeeya Shirkado yaryar oo ay leeyihiin Muwaadiniin reer Somaliland ah iyo Dad kale oo iyaguna ku lug leh Beenyada. Muwaadiniinta leh Shirkadaha…

Read More

Cali Guray oo Cabdilaahi Cirro ku Masaaley Qof uu Hayo Nacaybka  Muuse Biixi

Hargaysa 08. September 2017 (SDN/QJ):- Siyaasiga Cali Yuusuf (Cali Guray), oo ka mid ah madaxda xisbigga muxaafadka ah ee KULMIYE, ayaa eedo ba’an u jeediyay wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland Cabdillaahi Cirro oo dhawaan ku biiray xisbigga mucaaradka ah ee WADDANI. Cali Guray, ayaa Cabdillaahi Cirro ku tilmaamay in uu hayo xannuun uu ku…

Read More

Muqdisho: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somalia Oo Shaqada Ka Caydhiyey 18 Garsoore Xili aan Weli la Dhisin Golaha Adeega Garooska Somalia

Muqdisho 08. September 2017 (SDN/QJ):- Illaa 18 Garsoore ayaa shaqada laga eryay magaalada Muqdisho, waxaana Arrintaasi lagu tilmaamay isbeddel lagu samaynayo garsoorka dalka Soomaaliya. Guddoomiyaha maxkamadda sare Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa wareegto uu saaray Shalay shaqada kaga eryay 18-ka garsoore oo dhammaantood ka shaqeeya maxkamadaha gobolka Banaadir iyo degmooyinka uu gobolkaas ka kooban yahay. Guddoomiye…

Read More

Beesha Caalamka Oo War Ka Soo Saartay Dowlad Goboleedka Cusub Ee Laga Sameynayo Gobolka Hiiraan

Nairobi 08. September 2017 (SDN/QJ):- Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Dowladaha Ethiopia, Talyaaniga, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa si dhow ula socda arrimaha ka dhacaya HirShabelle ka dib markii Golaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedku ku dhawaaqay inuu xilka ka xayuubiyay Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble 14kii bishii Agoosto. Iyagoo garowsan in…

Read More

Waxaa Suurto Gal ah Dagaal Qadhaadh oo Saamayn Lihi inuu Ka Qarxo Gacanka Kuuriya WARBIXIN DAAWO

Pyongyang 08. September 2017 (SDN/QJ):- Dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in ay sii diyaargaroobayso kadib markii ay soo baxeen macluumaad dheeraad ah oo la xidhiidha tijaabooyin hor leh oo ay samaysay dowladda Kuuriyada Waqooyi, iyada oo tijaabadii ugu dambaysay uu ahaa bam sababi kara dhulgariir cabbirkiisa dhanyahay 6.3 darajo. Xoghayaha difaaca Maraykanka James Mattis ayaa…

Read More

Qaabkii Loo Qabtay Sheekh Aadan Sunne oo Hada ku xidhan Xabsiga Hargaysa & Goob Joogayaal ka Waramay Hawl-galkii Lagu qabtay DAAWO

Hargaysa 08. September 2017 (SDN/QJ):- Ciidanka Booliska Somaliland oo Fuliyay Hawlgal Lagu Soo Qabanayey Sheekh Aadan Sunne Kaas oo Lagu Eedayay In Uu Liddi Ku Yahay Nabadgalyada&Amniga Qaranka Somaliland. Sidoo Kalena Waalidka Sheekh Aadan Sunne oo Sheegay Inaanu Raad Iyo Sal Toona Ku Lahayn Eedayntaasi Lagu Sheegayo Sheekh Aadan Sunne

Read More

Qodob Xasaasi ah oo Lagu Daray Ajandaha Fadhiga Beri ee Golaha Shacabka Somalia uu Muqdisho ku Yeelanayo!!

Muqdisho 08. September 2017 (SDN/QJ):- Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka ayaa Kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay ku go’aamiyeen Ajandaha looga hadli doono Kulanka Golaha Shacabka ee la filayo in uu Beri oo Sabti ah ka dhaco magaalada Muqdisho. Guddiga ayaa isla gartay in xukuumada laga talo galiyo hindiso Sharciyeedyo dhowr ah, kuwaasoo ay…

Read More

Khudbadii Sababtay Xadhiga Sheekh Aadan Sune ee uu Salaadii Jimacaha ee Maalintii Ciida Ka Jeediyey Masjidka uu Tujiyo & Sheekha oo Fashiliyey Waddaad ka Mid ah Culimada oo La Shaqeeya Ciidanka RRU-da DAAWO

Hargaysa 08. September 2017 (SDN/QJ):- Ciidanka Booliska Somaliland ayaa Habeenkii Arbacadu soo Galaysay waxay Xabsiga u taxaabeen Sheekh Aadan Sunne oo ka mid ah Culimada caasimadda hargaysa. Sheekh Aadan Sunne ayaa la filayaa in Sababta xadhigiisu tahay Khudbad uu Maalintii Ciida Carafo ka jeediyey Garoonka kubada cagta ee hargaysa Iyo Masaajidka uu Tujiyo oo ku…

Read More

Maamulka Degmada Qardho oo ka hadlay Gaadhi lacag ah ka yimid Koonfurta Soomaaliya oo ay qabteen DHAGAYSO

Kar-Kaar 08. September 2017 (SDN/QJ):- Xili dhawaan magaalooyinka Puntland ay kasocdaan hawlgalo lagu baacsanayo dadka  diidaya  lacagta Shilinka Soomaaliyga  ayaa ciidamada amanaanku ay sii laba jibaareen hawlgalada ka dhanka ah Lacagta Shilinka Soomaaliga.   Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Kar-kaar ayaa xalay lagu qabtay Gaari wadday Lacag shilin Soomaali  ah kaas oo u safrinayey gobol…

Read More

Diiwaan galinta Musharaxiinta Madaxtinimo ee Hirshabelle oo ka socda Magaalada Jowhar & Ciidanka AMISOM oo la Wareegay Goobta Doorashadu ka Dhacayso

Jawhar 08. September 2017 (SDN/QJ):- Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe waxaa  ka socda Diiwaan galinta Musharaxiinta Madaxtinimada ee maamulkaasi u sharaxan inay xilka ka qabtaan. Ilaa hada waxaa la diiwaan galiyey 6 kamid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxtimimada maamulka Hirshabelle kuwaas oo dhawaan laga dhagaysan doono  inay soo bandhigaan waxqabadkooda madaxtinimo.   Dhankale…

Read More

Ururka Al-Shabaab Oo Sheegay inaanu Wax Xidhiidh ahi ka Dhaxayn Qalbi Dhagax Iyo Jab’hada uu ka Tirsanaa

Muqdisho 08. September 2017 (SDN/QJ):- Xarakada Al-Shabaab ayaa iska fogeysay war ka soo baxay Dowlada Soomaaliya oo lagu sheegay in Sarkaalkii Jabhada ONLF ee dhawaan loo gacan geliyay dowlada Itoobiya uu xiriir la lahaa Xarakada Al-Shabaab. Qoraal ka soo baxay xafiiska warfaafinta Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu faafiyey goor dhow baraha internetka ee taageera kooxdaas ayaa…

Read More

Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo duqeyn lagu dilay iyo Maraykanka Oo War Ka Soo Saaray

Nairobi 08. September 2017 (SDN/QJ):- Weerar ay geysatay diyaarad Drone ah oo uu Mareykanku leeyahay oo ka dhacay meel ka mid ah gobolka Bay ayaa la sheegay in lagu dilay saddex ka tirsan Saraakiisha Al-Shabaab. War ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in weerarkaasi uu dhacay subaxnimadii shalay.   Afhayeen…

Read More

Doodda Qalbi Dhagax: Shan arrimood Dawladda Federaalka Somalia aanay Wax Sharaxaad ah ka Bixin (Akhriso)

Muqdisho 08. September 2017 (SDN/QJ):- Shir aan caadi ahayn oo ay golaha wasiirada ka yeesheen Qalbi Dhagax ayaa markii dambe laga soo saaray war saxaafadeed, waxaana warbaahinta la hadlay wasiirka warfaafinta Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow. Golaha wasiirada ayaa sheegay in dhiibistii Qalbi Dhagax ay ahayd arrin sharci ah oo waafaqsan heshiisyo dhexmaray labada dowladood, Qalbi…

Read More