Badhasaabbada Iyo Maayirrada Oo Looga Digey Inay Raacaan Wufuudda Xisbiyada,Kulmiye Ma u Hogaansamay

Hargaysa 15. August 2017 (SDN/QJ):-Wasiir ku xigeen Arrimaha Gudaha ee Xidhiidhka Gobollada iyo Degmooyinka JSL Jaamac Cabdillaahi Biin, ayaa Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo Maayirrada Magaalooyinka dalka uga digay inay wufuudda Xisbiyada siyaasadda u raacaan gobollada iyo degmooyinka kale ee aanay ka talin, sidaasi awgeedna amray inay ku sugnaadaan Gobollada iyo Degmooyinka ay ka arrimiyaan oo ay…

Read More

 ‘‘Inay Masaajiddo Gaar Ah Ku Tukadaan, Culimadana Aflagaadeeyaan’’ Sheekh C/laahi Sheekh Cali Jowhar Oo Ka Digay Waxay Faafinayaan Koox-diimeedyo Astaantoodu Tahay

Boorama 15. August 2017 (SDN/QJ):- Sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali Jowhar oo ah Sheekhul Beladka Magaalada Boorama, ayaa ka digay Koox diimeedyo yaryar oo uu sheegay inay Dalka ku soo badanayaan isla-markaana faafinayaan Afkaar Diimeed oo aan Sax ahayn. Sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali Jowhar oo hadal ka jeediyey Munaasibad lagu qabtay Magaalada Boorama, ayaa sheegay inay…

Read More

“Saddexda Xisbi Qaran Saddex Faras Bay Kala Fuushan Yihiin, Ka Badinayaana Waa Uu Idiin Muuqdaa Ee Codkaaga Ha Ku Khasaarin Mid Aad Ogtahay” Wasiirkii Hore ee Maaliyadda

Xudun 15. August 2017 (SDN/QJ):- Siyaasi Cabdicasiis Maxamed Samaale Oo Ka Mid Ah Weftiga uu hoggaaminayo murashaxa xisbiga KULMIYE ee socdaalka u kuur galka kaadh qaadashadu sida ay uga socoto gobollada bari ku maraya deegaannada Sool iyo Sanaag ayaa khudbad uuka jeediyey degmada Xudun oo kamid ahaydmeelihii uu weftigu maray waxaa uu kaga warramay qaabka…

Read More

Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Kulmiye Oo Shaaciyey Wakhtiga La Soo Bandhigayo Barnaamij Siyaasadeedka Xisbiga DAAWO

Hargaysa 15. August 2017 (SDN/QJ):- Xoghayaha guud ee xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Mudane Xasan Siciid Yuusuf ayaa shaaciyey in dhawaan la soo bandhigi doono barnaamij siyaasadeedkii uu xisbigu ku galayey ololaha doorashada madaxtooyada. Xoghaye Xasan Siciid ayaa sheegay inay haatan diyaariyeen barnaamijka xisbiga waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Barnaamijkii xisbigu waa diyaar mudo lix bilood…

Read More

Wasiirul Dawlaha Khayraadka Biyaha oo Hadhiimo Sharaf u Sameeyay Siyaasiyiin & Madax dhaqameed ka soo Jeeda Beesha uu Ka Tirsan yahay DAAWO

Hargaysa 15. August 2017 (SDN/QJ):- Wasiirul dawlaha Wasaaradda Khayraadka Biyaha ee dhawaan Madaxweyne Siilaanyo Magacaabay Mudane C.qaadir Maxamed Sheekh ayaa hadhiimo sharafeed u sameeyay qaar ka mid ah Madax dhaqameedka,Xildhibaano,iyo Xubno kale oo ka soo Jeeda Gobolka Maroodijeex.

Read More

Shaqooyinka ay Somaliland ka qabato Ururka Bisha Cas,Xiligii ay Somaliland ka hawlgashay Iyo Xogwaran uu Gudoomiyaheedu Bixiyey

Hargaysa 15. August 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Ururka Bisha Cas ee somaliland Axmed Cabdi Bakaal ayaa si Xeel dheer uga warbixiyey Shaqooyinka ay Hay’adani qabto iyo Waxyaabaha loo aasaasay. Ururka Bisha Cas ee Somaliland Wuxuu la Bilaabmay Xiligii Ingiriisku Maamulayay Somaliland iyadoo dhinaca Somalia aanu ka Jirin Ururkani hasa yeeshee Somaliland waxaa Xiligaas ka Jirtay oo…

Read More

Waa kuma Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur? Ku Xigeenkii Hogaamiyaha Alshabaab ee isu dhiibay dawlada Federaalka Somalia

Muqdisho 15. August 2017 (SDN/QJ):- Muqtaar Roobow Cali (Abuu mansuur) oo muddo dheer kamid ahaa Xarakada Alshabaab ayaa ugu dambeyn isku soo dhiibay dowlada Federaalka Soomaaliya, waxaana Abuu Mansuur la keenay magaalada Muqdisho uu hada ku sugan yahay. Abuu Mansuur oo dagaal xoogan la galay kooxdii uu horey uga tirsanaa ee Al Shabaab ayaan wali…

Read More

Duqa Muqdisho Oo Ka Hadlay Qaabka Loo Qeybinayo Shaqaaleysiinta Kun Dhalinyaro oo Muqdisho Ku Nool

Muqdisho 15. August 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay qaabka ugu haboon uu maamulka gobolka u qaadan doono ilaa 1, 000 Dhalinyaro oo la filayo in shaqooyin kala duwan laga siiyo gobolka Banaadir. Duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qaab degmno lagu soo xuli doono laguna qaadan…

Read More

Dawlada Shiinaha oo Joojiyey Kaalmadiisii Dhaqaale ee ay siin Jirtay Kuuriyada Waqooyi & Go’aankaas oo Maanta oo Salaasa ah dhaqangelaya

China 15. August 2017 (SDN/QJ):- Dawlada Shiinaha ayaa ku dhawaaqday inay joojinayo kaalmadii dhaqaale e ay u fidin jireen Kuuriyada waqooyi, isla markaana ay joojinayso badeecadihii ay ka soo iibsan jirtay Dalkaasi. Shiinaha oo ah dalka taageerada  dhaqaale ee ugu badan siiya Kuuriyada Waqooyi ayaa cadeeyey in laga bilaabo Maanta oo Salaasa ah ay joojin…

Read More

Wararkii Ugu Doorroonaa Ee Doorashadii Gobolka Waqooyi Bari Ee Kenya & Talaabada xigta

Mandheera 15. August 2017 (SDN/QJ):- Doorashooyinkii dhawaan ka qabsoomay dalka Kenya waxa ay saameyn muuqata ku yeesheen Soomaalida ku dhaqan saddexda degmo ee kala ah Gaarisa, Wajeer iyo Mandhera ee Kenya, halkaasi oo ay ka dhaceen isbadalo dhanka hoggaanka ah. Haddaba waxa aan qormadan ku eegeynaa sida uu xaal noqdey sedexdaasi degmo.   Gaarisa, tartankii…

Read More

Haweenay Ka  Mid Aheyd Xujaajta Dalka Ciraaq Ka Timid Oo Kasoo Dhacday Dhisme Dheer Oo Geeriyootay !

Madiina 15. August 2017 (SDN/QJ):- Ciidammada ammaanka ee magaalada barakaysan ee Madiina Al-munawara ayaa haweenay ka mid aheyd xujaajta ka timid Dalkaasi Ciraaq ayaa kasoo dhacday dhisme aad u dheer oo ka koobnaa 13 dabaq.   Afhayeen u hadlay ciidammada magaaladaasi Madiina oo la yidhaahdo Xuseen Al-qaxdaani ayaa cadeeyay in haweenaydaasi da’deedu ahayd 60 jir,…

Read More

Dalmarayaal u safra sidii dal-xiisayaal kase duwan Wax badan !!!!

Hargaysa 15. August 2017 (SDN/QJ):- Qofi waxa uu laabta ku beegto cidi ma ogaato balse kol baa sida kaah iftiin loo arkaa waase goortuu kadin ka helo wixii ku keydsanaa. Biyuhuba kolkay karaarada ka kormaraan ayaa laga kurboodaa, kulamana laga yeeshaa iska moosidooda inta ka horreysa warba looma hayo. Dheriguna kolkuu kululaaduu karkaraa, markaas ayuu…

Read More