“Hawada Soomaaliya waxa xukunta inta lagu heshiinayo ICAO Muqdishana lagama xukumo Hargeysana lagama xukumo” Wasiirka Duulista Somaliland DAAWO

Hargaysa 10. June 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland, ayaa si daciifnimo ah oo aanay ka muuqanin karti iyo aqoon dheeraad ah aga hadlin dedaalada ay Xukuumadda Somaliya ku dooneyso in ay kula wareegto hawada Somaliland iyo Somaliya isaga oo sida oo kale na si cadho leh uga jawaabay su’aal laga weydiiyey in shirkad…

Read More

“ Saxaafaddu way Dadaashay Horumar badan ayey samaysay, Qaybaha dalka ee horumar ayey ka mid tahay, Waanu Bogaadinaynaa.” Wasiirka Madaxtooyada JSL.

Hargaysa 10. June 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa bogaadiyey saxaafadda Somaliland oo uu sheegay inay horumar baaxad leh ku talaabsatay. Wasiir Xaashi ayaa sheegay inay Xukuumad ahaan ka go’an tahay ilaalinta madax banaanida saxaafadda sidoo kale warbaahinta looga baahan yahay inay khalaadkeeda saxdo isla markaana ay birma gaydo yeelato. Wasiirka…

Read More

Somaliland oo Si Buuxda u Taageertay Go’aankii ay Waddamda Khaliijku Cilaaqaadka ugu Jareen Dalka Qatar

Hargaysa 10. June 2017 (SDN/QJ):-Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo aaminsan mabaadii’da nabad ku wada noolaanshaha iyo xasiloonida Gobolka, kana soo horjeeda wax kasta oo wax u dhimi kara nabadda iyo deganaanshaha, isla markaana ka soo horjeeda xag-jirnimada iyo cid kasta oo taageerta xag-jirnimada. Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo tixgelinaysa cilaaqaadka taariikhiga ah ee dhaqan, dhaqaale iyo siyaasi…

Read More

“Aqoontu inta Aannu Hayno oo Kaliya maaha, Raganimaduna Inta Aannu Hayno Oo Kaliya Maaha, Waxaannu Kulankan U Qabanay in Aannu Aqoon iyo Tallo Idinka Helno.” Wasiirka Madaxtooyada JSL SAWIRO

Hargaysa 10. June 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka Madaxtooyada JSL Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maanta Hotel maansoor ka fulay kulan balaadhan oo ay ka soo qayb galeen Lix jaamacadood iyo xubno ka tirsan hawladeena Wasaaarado dawladda ka tirsan. Kulankaasi oo ay qabanqaabadiisa lahaayeen Wasaarada Madaxtooyada iyo Waxbarashada oo socon doona mudo laba maalmood ah, ayaa lagu lafaguri…

Read More

“Qaadka & Xashiishaddu Waa Waxyaabaha La Doonayo In Mustaqbalka Dalkan Lagula Wareego…” Sheekh Aadan-Siiro DAAWO

Hargaysa 10. June 2017 (SDN/QJ):-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Khatarta uu leeyahay Carrabka Bani-aadamku haddaan la xakaymin oo aan ILAAHAY dartii looga digtoonaan faafinta Wararka aan Xaqiiqada ahayn ee Bulshada dhibaato u horseedi kara. Sheekh Aadan-Siiro wuxuu sheegay in dhibaatooyinka Somaliland ka jira ay ka mid yihiin…

Read More

Maamulkii Gobolka Hiiraan oo la kala diray iyo Maamul cusub oo la magacaabay (Akhriso Wareegto)

Jawhar 10. June 2017 (SDN/QJ):-Madaxwenaha maamulka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble wareegto kasoo baxday xafiiskiisa ayaa lagu kala diray Maamulkii gobolka Hiiraan , waxaana la magacaabay Maamul cusub uu yeelanayo maamulka gobolka Hiiraan. Wareegtadan kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha maamulka Hirshabelle ayaa xilka looga qaaday Gudoomiyihii gobolka Hiiraan , Kuxigeenadiisa iyo sidoo kale gudoomiyihii degmada Baladweyne iyo xubno…

Read More

Kooxda Al-shabaab Oo Sheegatay Inay 61 Askari Ka Dishay Puntland

Af-urur 10. June 2017 (SDN/QJ):-Ciidammo ka tirsan Dagaalyahannada Kooxda Al-shabaab ee sugan Buuralayda Galgala, ayaa Dagaal culus oo ay Saaka ku qaadeen Saldhig Ciidammada Puntland ku leeyihiin Deegaanka Af-urur oo ku dhow Boosaaso, waxay ku qabsadeen deegaankaasi. Dagaalkan oo socday Muddo Saacado ah, ayaa Al-shabaab sheegtay inay ku dishay 61 Askari oo ka mid ah…

Read More

Wiil Hargeysa Ka Tahriibay Oo Internet-ka La Soo Geliyey Isagoo Ay Garaacayaan Magafeyaal Uu Gacanta Ugu Jiro & Hooyadii Oo Taageero Dhaqaale Codsatay DAAWO

Hargaysa 09. June 2017 (SDN/QJ):- Hooyo Nimco Aadan Cabdillaahi oo ah Hooyada Dhashay Wiil Hargeysa ka Tahriibay isla-markaana Internet-ka la soo dhigay isagoo ay Garacaayaan Magafeyaal Liibiyaan ah, ayaa ka warrantay Dareenkeeda iyo Xaaladda Wiilkeeda ee Xilligan. Wiilkan Gacanta ugu jira Mageyaasha Dadka Tahriibiya oo Magaciisa la yidhaahdo Nasrudiin Jamaal Cali isla-markaana ah 18 Jir …

Read More

‘’Maanta Markaan Xaaladan Murtiyeeyo Waxay Maraysaa Mugii Weel Ma Dhaafee Aloow Moosku Yuu Jabin’’ Cali Guray oo Dhaliilay Kooxda Dawladnimada Ku Qadhaabsata DAAWO

Hargaysa 09. June 2017 (SDN/QJ):- Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf ‘’Cali Guray’’ oo haatan ka Mid ah Xisbiga Kulmiye ayaa Ku Caan ah in aanu Qarin boogaha Xukuumada talada haysa Iyo Xisbiga Kulmiye ee ay ka dhalatay . Wax kasta uu Caligurey yidhi waxa yidhi Caligurey goor iyo xaalad uu joogay ee Ilaahay ma odhanin. Taasi…

Read More

Ciidammada Qaranka Oo Fasax Loo Siiyey Inay Tallaabo Ka Qaadaan Ciddii Xagal-daacisa Walaalaynta Beelaha Koonfurta Sool DAAWO

Laascaanood 09. June 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo deegaanka Dharkeyn-geeye ee Koonfurta Gobolka Sool kulan kula yeeshay mid ka mid ah Waxgaradka Beelaha Walaalaha ah ee ay socoto dhamaystirka iyo hirgelinta Walaaleyntooda, ayaa ku war-geliyey in Ciidammada Qaranku amar ku haystaan inay qaadaan Tallaabo kasta oo ay…

Read More

Sidee Ayey U Shaqeeyaan Askarta Ilaalisa Xajar Al-Aswadka Ku Yaalla Kacabada Barakaysan ?

Makkah 09. June 2017 (SDN/QJ):- Xajar Al-aswadka ku yaalla Kacbada barakaysan waa goobta uu qof kasta oo taga xaramka Barakaysan uu ku hammiyo inuu soo dhunkado oo uu qoorta la galo, waxaana jira ciidamo had iyo jeer u heegan ah inay hawshaasi kala wadaan sida uu sheegay afhayeenka Ciidammada Xaramka Saamix Al-salmi waxa aanu sheegay…

Read More

Siyaasi Ismaaciil Buubaa oo Madaxtooyada u Gudbiyey Dacwad Ka Dhan ah Mas’uuliyiinta Madaarka Hargeysa

Hargaysa 09. June 2017 (SDN/QJ):- Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa, ayaa dacwad ka dhan ah mas’uuliyiinta Madaarka Hargeysa oo uu kaga cabanaayo faafin ay ku sameeyeen macluumaadka Baasaboor uu lee yahay oo laga ga qaaday gudaha madaarka Hargeysa u gudbiyey Madaxtooyada Somaliland. Sida ay noo xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, ayaa sheegaya in siyaasi Ismaaciil Buubaa…

Read More

Afhayeenka Guurtida oo Xukuumadda ugu Baaqay in ay Taageerto Cunaqabataynta Dalalka Islaamku ku soo Rogeen Qatar

Hargaysa 09. June 2017 (SDN/QJ):- Afhayeenka Golaha Guurtidda Jamhuuriyadda Somaliland, Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho), ayaa Xukuumadda iyo Goleyaasha Qarankaba, ugu baaqay inay taageeraan mowqifka dalalka Carabtu ay ku cunoqabateeyeen dalka Qatar, waxaanu soo jeediyay in Somaliland ay la safato dalalka Islaamka ee go’aanka ku gaadhay inay cilaaqaadka diblomaasiyadeed u jaraan wadankaas. Afhayeenka Guurtidu waxa…

Read More

Taxanihii Qisaska Nolosha Iyo Tusmadii Xusuus Qor Dhakhtar-Ilkood ‘Muxuu Ilaahay Xannuunka Kuugu Dooray”’ Kala Soco Qurbejoog DAAWO

Hargaysa 09. June 2017 (SDN/QJ):- Waa Qormadii Taxanaha ahayd ee Xusuus Dhakhtar Ilkood oo ay inoo Soo diyaariso Drs Hibaaq C.raxmaan Buubaal oo ah Dhakhtarad Aqoon durugsan u leh Xanuunada Ilkaha kana Shaqaysa Magaalada Hargaysa. Waxay Taxanahan inoogu soo bandhigaysaa Khibrad ay ka heshay Mudadii ay ka shaqaynaysay Mihnada dhakhtarnimo,Waxaana si Joogto ah Taxanahan idiinku…

Read More

Madal Qurxoon oo Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Wefti uu Hogaaminayay Kulan Kula Qaatay Bulshada Dharkayngeeyo ee Gobolka Sool DAAWO

Dharkayn Geeyo 09. June 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Prof, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ay wehelinayaa masuuliyiin ka tirsan xukuumada JSL ayaa Soo gabo Gabeeyay hawlgalkii Nabaaynta ee ay ka dhex wadeen Laba Beelood oo Walaalo ah oo Xurgufi hore ugu dhex martay Deegaano ka tirsan Koonfurta Gobolka Sool.

Read More

Nuxur Saddex Qodob oo Laga Soo Saaray Shir-weynahii Lagaga Hortagaayey Qishka Imtixaanada Somaliland DAAWO

Hargaysa 09. June 2017 (SDN/QJ):- Shir-weyne qaran oo muddooyinkii dambe laga ga arrinsanaayey siddii loogga hortagi lahaa isla mar ahaantaana ardeyda waxbarata loogga ilaalin lahaa qishka Imtixaanada, ayaa laga soo saaray saddex qodob oo muhiim, sida degalkiisa Facebook uu ku baahiyey agaasimaha tacliinta sare ee Somaliland Pro.Cabdi Cali Jaamac. Waxa la mamnuucay in: 1- Mobilada…

Read More

La-taliyaha Gaarka Ah Ee Madaxweyne Siilaanyo Oo Sheegay Inaan Dawladda Jabuuti Cuqdad Ka Qabin Horumar Somaliland Ka Gaadho Dhanka Dekedaha DAAWO

Jabuuti 09. June 2017 (SDN/QJ):- Dawladda Somaliland ayaa sheegtay in Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti wax cuqdad ah ka qabin Horumar Somaliland ka gaadho dhinaca Dekedaha, ka dib Safar uu Magaalada Jabuuti ku tagay La Taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde. Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, imikana ah La Taliyaha gaarka ah…

Read More

Oday Reer Gabiley ah oo Ka Ooyey Caddaalad Darada Baahsan ee Ka Jirta Dalka DAAWO

Gebilay 09. June 2017 (SDN/QJ):- Oday qurba-joog ah misna ka soo jeeda gobalka Gabiley, ayaa ka ooyey cadaalad darrada baahsan ee ka jirta Somaliland, waxaana uu soo bandhigay nin ka soo jeeda beelaha Gabooye oo lagu la kacay cadalad darro isaga oo ka codsaday wasiirka cadaaladda Somaliland uu arrintaas wax ka qabto. https://www.youtube.com/watch?v=piElbtsqVLk

Read More

Xoghayaha D/Hoose Hargeysa oo Ugu Baaqay Shirkadaha Qashin Ururinta Inay ka soo Dhalaalaan Adeegyada ay u Hayaan Bulshada DAAWO

Hargaysa 09. June 2017 (SDN/QJ):- Xoghayaha Dawladda Hoose ee Caasimada Hargeysa, Cali Xasan Cawaalle, ayaa ugu baaqay shirkadaha qashin ururinta magaaladu ay ka soo baxaan masuuliyadooda oo ay laba-laabaan ilaalinta fayo-dhawrka iyo xakamaynta qashinka muddada lagu jiro xili roobaadka, si looga hortago xannuunada ka dhasha nadaafad xumada. Xoghayuhu waxa uu sidaasi ka sheegay hadal uu…

Read More