Qaababka Fudud ee Loo Nadiifiyo Suuliga Korna Loogu Qaado Fayo dhawrkiisa

Hargaysa 09. June 2017 (SDN/QJ):- Waxaa kuu suurogal ah in aad suuligaaga ku nadiifiso khalka sida maadooyinka kale, adiga oo khalka u isticmaalaya nadiifinta fadhiga suuliga, Muraayada tuwaleedka suuliga iyo guud ahaan suuliga gudihiisa, iyadoo khalku yahay shay dhamaan wasakhda ka dejiyada qalabka muraayadaha ah. Adeegsiga khalkuna waa dariiqo cusub oo qayb ka noqotay ilaalinta…

Read More

Browserka Qaybtiisa Autofill Oo Halis Fududaysa In Xogtaadda La Xaddo (Hacking)

Hargaysa 09. June 2017 (SDN/QJ):- Badanaa sida dhacda, waxaynu nahay qaar neceb buuxinta fomamka onlineka ah ee aan si maalinle ah u isticmaalno tusaale markaan facebook loginka galayno inteena badan waxaan tickta saarnaa (save password) oo ka dhigan ii xasuuso uma baahni inaan marwalba qoree, waxaana suurto gal ah in dadbadani sidaas ku ilaawaan furihii…

Read More

“Xukuumada Waxaanu Usoo Jeedinaynaa Inay Lacagtii Doorashada Dhamaystirto, Komishanka Doorashaduna Waa Inuu Cayimaa Maalinta Doorashadu Dhacayso” Gudoomiye Ciro iyo Hogaamiye Xirsi oo Hargaysa Ku Soo Laabtay DAAWO

Hargaysa 08. June 2017 (SDN/QJ):- Musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga Waddani, ahna gudoomiyaha xisbigaasi Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) iyo hoggaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Xaaji Cali ayaa maanta dalka ku soo guryo noqday kadib safar ay mudo ugu maqnaayeen dalka Isku-taga Imaaraadka Carabta. Labadan Masuul ee ugu sareeya xisbiga Waddani ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey…

Read More

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Aasaasay Wakaaladda Horumarinta Xabkaha Iyo Faleenka Somaliland, Xeerkeedii oo uu Soo Saaray Iyo Laba Mas’uul oo uu u Magacaabay

Hargaysa 08. June 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu xeer Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4859/062017 uu ku aas-aasay dhismaha wakaaladda horumarinta xabkaha iyo faleenka ee Jamhuuriyadda Somaliland, kuna magacaabay Maareeye iyo Maareeye ku xigeenka Wakaaladda Xabkaha iyo Faleenka. Madaxweynuhu:   Markuu Arkay:                     Qodobbada 90aad iyo 113aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland…

Read More

Maamul Goboleedka Punt Land oo Si Kulul uga Hadlay Dagaal ay Saaka Kooxda Alshabaab Ku Qaadeen Saldhiga Ciidanka Punt Land ee Af-Urur AKHRI

Garowe 08. June 2017 (SDN/QJ):- Gollaha Wasiiradda Puntland oo maanta shirkoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa isla falanqeeyey dagaalkii xili hore oo saaka ah ku dhexmaray Ciidamadda Dowladda iyo xoogaga Al-shabaab tuulada Af-urur ee degaanka Galgala ee gobolka bari. War-saxaafadeed ka soo baxay shirka ayaa Puntland ku sheegtay in ciidamadeedu ay iska caabiyeen…

Read More

Maamul Goboleedka Gal Mudug oo Canbaareeyay Weerarkii Saaka ay Kooxda Al Shabaab Ku Qaadeen Saldhig ay Leeyihiin Ciidamadda Punt Land

Cadaado 08. June 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa soo saaray War-saxaafadeed uu ku cambaareynayo weerarkii saaka waaberigii xoogaga Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada Puntland ku leeyihiin degaanka Af-Urur ee gobolka bari kaasoo lagu laayey askar badan oo ka tirsan ciidanka Puntland wuxuuna u qornaa sidatan. War-saxaafadeed Dowlada Goboleedka Galmudug waxay ka xuntahay falkii argagixisnimo ee kooxda…

Read More

Somaliland: Maxaabiis Ku Muddo-dhaafay Xabsiyada Dalka Oo Loo Raadinayo Cid Ka Bixisa Deyn Loo Haysto 

Hargaysa 08. June 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Axmed Faarax Cadarre, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sababaha keena in Maxaabiista ku jira Xabsiyada kala duwan ee Somaliland, ay qaarkood xidhnaadaan wakhti ka badan intii lagu xukumay oo ay ku muddo dhaafaan. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland oo Safar ku jooga Dalka Sweden ayaa sheegay…

Read More

Hay’adda ICAO Oo Shuruud Adag Ku Xidhay Dawladda Soomaaliya Oo Doonaysa In Lagu Wareejiyo Maamulka Hawada

Nairobi 08. June 2017 (SDN/QJ):- Hay’adda Maamulka Hawada sare ee Adduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee ICAO, ayaa Dawladda Federaalka Soomaaliya u bandhigtay Shuruudo ku xidhan in lagu wareejiyo Maamulka Hawada Dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya, kaasi oo Somaliland-na qayb ka tahay. Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Duulista hawada Soomaaliya Maxamed Axmed Salaad…

Read More

Wasiirka Amuuraha Dibada ee Jabuuti oo Ka Hadlay Aragtida Dawladiisa ee Saldhiga Imaaraadka Carabta Somaliland ka Siisay Magaaladda Berbera

Jabuuti 08. June 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka arrimaha dibadda Djibouti Maxamed Cali Yuusuf, ayaa ka hadlay aragtida Djibouti ee saldhiga Milatari ee Imaraadka Carabta ee magaalada Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland. Wasiir Maxamed, oo u waramay warbaahinta dalka Itoobiya, waxa la weydiiyay aragtida dawladdiisa Djibouti ee saldhigyada Imaaraadka Carabta ee Berbera oo Somaliland ah iyo magaalada Casab…

Read More

Daah-furka Kal-tirsiga Taariikhda Soomaaliga ee Dabshid Oo Hargeysa Ka Qabsoomay Iyo Akaademiga Oday-Ka-Sheekee DAAWO

Hargaysa 08. June 2017 (SDN/QJ):- Waxa Habeenkii labaad galay Shirweynihii ballaadhnaa ee lagaga hadlayay Gorfaynta iyo Shaacinta Taariikh-Sannadeedka Kal-tirsiga Soomaaliga ee Dabshid-ka Loo Yaqaano ee Soomaalidu dhaqanka u lahayd oo dib loo soo noolaynayo kaasi oo ay soo qaban qaabisay Akaademiga Dhaqanka, Xiddigiska iyo Hidda Soomaalida ee Oday-Ka-sheekee oo ay ka soo qayb galeen, Dhaqan-yahan,…

Read More

Al-Shabaabta Galgala oo Sheegatay inay Puntland ka Dishay 61 Askari, Wararkii u dambeeyey & Jawaabta Maamulkaas

Galgala/Boosaaso 08. June 2017 (SDN/QJ):-Ururka Al-shabaab, ayaa sheegtay in ay saaka weerar ku qaadeen saldhig ciidan oo ay leeyihiin Ciidammada Maamul-goboleedka Puntland. Waxay sheegeen in ay halkaas ku dileen 61 askari oo ka tirsan ciidammadii saldhigaa joogay ayna qabsadeen 16 gaardhi. Weerarka ayaa ka dhacay degaanka Af-urur oo ka tirsan Galgala oo Boosaaso u jirta…

Read More

Xogo Asaraar Leh: Dalka Qatar Waxaa lala Damacsan yahay Inqilaab ama Farogelin Millateri!!! DAAWO

Hargaysa 08. June 2017 (SDN/QJ):- Barnaamijkeenan waxaynu ku marigelinaynaa Dr Cabdi Baari cadwaan oo ah qoraa caalami ah oo ku nool dalka Britain, si weyna uga faalooda dhacdooyinka caalamka gaar ahaan kuwa bariga dhexe, waxana uu faallo dheer oo muhiim ah ka bixinayaa xiisada siyaasadeed ee u dhexaysa dalalka Carabta qaarkood iyo Wadanka Qatar. https://www.youtube.com/watch?v=dI5qFzq56hs

Read More

Gudoomiyaha Haay’adda Shaqaalaha Somaliland Oo Ka War Bixiyey Safar Uu Ku Joogo Qaar Ka Mid Ah Dalalka Dibada

Rwanda 08. June 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Haay’adda Shaqaalaha Somaliland Oo Ka War Bixiyey Safar Uu Ku Joogo Qaar Ka Mid Ah Dalalka Dibada. Gudoomiyaha Haay’adda Shaqaalaha Somaliland Muddane Sharmaake Geelle ayaa waxaa uu ka war bixiyey safar uu maalmihii ugu danbeeyey uu ku joogay dalal Kenya Iyo Rwanda waxaana uu yidhi   ” Waxaanu mudooyiinkii…

Read More

Hooyo Soomaaliyeed oo Soo Bandhigtay Codka Nin Somali ah oo Magafe u Adeegaya & Hadalo dareenka Taabanaya oo ay Is dhaafsadeen DAAWO

Hargaysa 08. June 2017 (SDN/QJ):- Tan iyo intii Tahriibtu ku faaftay dhulka Soomaalida Waxaa Soo baxay Kooxo qaabab kala duwan uga faa’iidaysta Tahriibinta Dhallinyarada Kuwaas oo ah Sil silad isku Xidhan ilaa laga gaadhayo waddanka Liibiya oo Tahriibayaasha lagaga qaado Laashash Macmal ah si ay u geeyaan Xeebaha Talyaaniga. Magafayaasha ayaa ka mid ah Kooxahan…

Read More

Wasiirkii Hore Arimaha Dibeda Somaliya Oo Ka hadlay Buuqa Ka Dhex Qarxay Carabta Iyo Dalka Qadar & Sidii ay Xukuumadii uu ka Tirsanaa ula Socotay DAAWO

Washington 08. June 2017 (SDN/QJ):- Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibada ee Dawlada Federaalka Somalia ee Xukuumadii Xasan Sheekh Mr Hadliye ayaa ka waramay halka uu Salka ku hayo Khilaafka ka dhex Curtay qaar ka mid ah Waddamada Carabta iyo dalka Qadar oo Meel Xasaasi ah Maraya.

Read More

Taliyaha Waaxda Socdaalka Somaliland Oo Kormeeray Magaalada Lawyo-Cade

Lawyo-Cade 08. June 2017 (SDN/QJ):- Taliyaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha Somaliland Jen Dayib Cismaan Caalin, ayaa shalay safar shaqo oo kormeer ah ku tegay magaalada  Lawyo-cade  ee ku taalla  xadka galbeed ee ay wadaagaan Somaliland iyo Jabuuti. Jeneralka  ayaa markii uu halkaasi gaadhay wuxuu socdaal indha indhayn ah ku soo maray goobaha hawlaha shaqo ka…

Read More