Madaxweyne Maxamed C.laahi Farmaajo oo Kulankiisi Kowaad la Qaatay Xubnaha Golaha Wasiiradda ee Shalay La Magacaabay & Fariin uu u Diray Baarlamaanka DAAWO

Muqdisho 22. March 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Dawlada Federaalka Somalia Maxamed C.laahi Farmaajo ayaa Xafiiskiisa Kulan Kula qaatay Wasiiradda iyo Wasiir Ku Xigeenada Cusub ee Raysal Wasaaraha Somalia uu soo Magacaabay. https://www.youtube.com/watch?v=_SoyPX02dVY

Read More

Loolan Culus oo Mar Kale ka Dhex Curtay Xisbiga Kulmiye Iyo Qadiyada la isku hayo oo ah Cida Muuse Dabadii Gudoomiyaha Kulmiye noqonaysa DAAWO

Hargaysa 22. March 2017 (SDN/QJ):- Waxaa isa soo taraya Xiisad mar kale ka dhex istaadhantay Xisbiga Talada haya ee Kulmiye iyadoo Xubno ka mid ah Baarqabyada Xisbiga Kulmiye ay ku hirdamayaan hanashada Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Dabadii. Shakhsiyaadka ku Loolamaya ayaa dhamaantood ka soo wada jeeda Beesha Bariga Burco.

Read More

Mas’uul Ka Tirsan Xisbiga KULMIYE Kana Soo Jeeda Bariga Burco oo Taageeray Dhawaaqii Odeyadii Gar’adag & Dhalliilo Horleh oo uu Ku Ganay Muuse Biixi DAAWO

Burco 22. March 2017 (SDN/QJ):- Mas’uul ka tirsan Xisbiga KULMIYE oo ka soo jeeda bariga Burco, ayaa si aada u taageeray dhawaaqii ka soo yeedhay odeyada Gar-adag ee beesha Bariga Burco, waxaana uu tilmaamay in dhawaaqaasi uu yahay mid xaqiiqada ku qotama isla mar ahaantana uu sida oo kale na dhaliilo xooggan u soo jeediyey…

Read More

Dadka Ku Dhawaacmay Doontii Yemen lagu Duqeeyey oo ka Warramay Xaaladdooda iyo Siday Wax ugu dheceen

Yemen 22. March 2017 (SDN/QJ):- Qaar ka tirsan Dadka nolol ahaan ka badbaaday, balse ku dhaawacmay Duqayntii loo geystay Doon Qaxoonti Soomaali ahi saarnaayeen oo ka baxayey Yemen Jimcihii oo ay bishani ahayd 17, ayaa Warbaahinta uga warramay waxay xasuustaan sidii wax u dhaceen iyo dhibaatada iyaga laftooda soo gaadhay. Xubno la waraystay oo ka…

Read More

Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr Oo Maanso Cusub Kaga Qayb-galay Miimleyda Weedhsame Bilaabay & Dooda Macaan Jecel DAAWO

Hargaysa 22. March 2017 (SDN/QJ):- Maansadan magaceeda waxa la yidhaahdaa Macaan-jecel, waxaana curiyay Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi), waxa ay ifka u soo baxday 20kii March 2017ka. Waxa ay daba-socotaa Miimleyda ka curatay maansadii Mudduci ee uu tiriyay Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame). Waxa ay is-barbardhig ku samaynaysaa beri ay xayawaanku madaxweyne ka dhigteen bahalka maska…

Read More

Abwaan Sacad Xaaji Maxamud Gadhle Oo Maansada “Maskax Furan” ugu Soo Jawaabay Abwaan Weedhsame & Silsiladii Miimley DAAWO

Hargaysa 22. March 2017 (SDN/QJ):- Abwaan Sacad Xaaji Maxamud Gadhle ayaa Fikir ahaan ka hor yimid Maansadii Mudduci ee noqotay SilSilad Suugaaneed lagu Cabirayo Xaalada Siyaasadeed ee Somaliland ku Sugan Tahay. Maansadan Abwaankani Curiyey Waxa uu ugu Magac Daray Maskax Furan Waxaanu si adag uga soo hor jeedaa dhaliilaha uu Abwaan Xasan Weedhsame ku ibo…

Read More

Abwaan Daaha Gaas oo Mar Kale Ku Soo Noqday Sil Silad Suugaaneedka Miinley & Dooda Maansadiisa Labaad ee Mudan DAAWO

Hargaysa 22. March 2017 (SDN/QJ):- Abwaan Daaha Gaas Waxa uu ka Soo Hor Jeedaa Qaabka ay Dhaliisha u soo Bandhigayaan Hal abuurka ka qayb qaatay SilSilada Miinley ee Ka Curatay Hargaysa una Gudubtay Qaarado Kale Waa Madaacale Wuxuu Garab taagan yahay Habka Maamulka Dawladnimo ee Somaliland Sida uu Maanta Yahay.

Read More

Taariikhda Iyo Waayo aragnimadda Warfidiyeen ee Weriye Maxamed Xasan Cali Weji & Dhacdooyin La Yaab leh oo uu soo Bandhigay

Hargaysa 22. March 2017 (SDN/QJ):- Maxamed Xasan Cali Weji Waa Mid ka Mid ah Weriyeyaasha Ruug Cadaaga ah ee Somaliland Isla markaana Mudo dheer ka soo Shaqaynayay Warbaahinta Dalkii la Isku odhan Jiray Somalia iyo haatan oo uu ka hawl galo Idaacadda Radio Hargaysa,Waa Shakhsi leh awood Curineed oo aad u qoto dheer. Maxamed Xasan…

Read More

Tiradii Ugu Badnayd Abid ee Xildhibaano Noqda Wasiiro Iyo Wasiir Ku Xigeeno Dawlada Federaalka Somalia & Cida Ansixinaysa Xildhibaan Isagu Isu Codaynaya  (Akhriso Magacyadooda)

Muqdisho 22. March 2017 (SDN/QJ):- Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku dhawaaqay golihiisa Wasiirada, Waxaana Xukuumada cusub uu ku dhawaqaay ay ka kooban tahay 68- ruux oo isugu jira Wasiiro, Wasiiru-Dowlayaal iyo Wasiiro kuxigeeno. Xukuumada cusub waxaa inta badan laga soo dhax xulay Xildhibaanada ku jira Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana Xildhibaanada kamidka noqday…

Read More

Raysal Wasaaraha Somalia oo ka Hadlay Doorashada Madaxweyne ee Maamul Goboleedka Gal Mudug

Muqdisho  22. March 2017 (SDN/QJ):- Raiisul Wasaaraha XF Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Arimaha doorashada ee dhawaan looga dhawaaqay in ay ka dhici doonto Galmudg wuxuu kulamo wadatashi oo isdabajoog ah kala layeeshay dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Galmudug, sida: Hoggaanka Galmudug, Xildhibaanada Barlamaanka Galmudug qaarkood, Xildhibaanda Aqalka Sare , xubnaha Golaha Shacabka…

Read More

Shanta Waddan ee Dadka ku Nooli ugu Farxadda Badan yihiin Qaaradda Afrika oo Soomaaliya ka mid noqotay

Muqdisho 22. March 2017 (SDN/QJ):- Natiijada Baadhitaan ay Qaramada Midoobay maalgelisay, ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay Shanta waddan ee Afrika ee Dadka ku nooli ay ugu farxad badanyihiin Qaaradda. Waxaa sidoo kale shantaasi dal ka mid ah Algeria, Mauritius, Liibiya iyo Morocco. Baadhayaasha diyaariyey Warbixintan, ayaa waxay darseen 155 dal, waxaanay…

Read More

Dawlada Imaaraatka Carabta Oo Ka Hadashay Weerarkii Lagu Qaaday Doontii Sidey Muhaajiriinta Soomalida Ahaa

Dubai  22. March 2017 (SDN/QJ):- Imaaraadka Carabta ayaa iska fogeeyay inay bartilmaameedsadeen doonidii jimcihii la soo dhaafay ay saarnaayeen qaxooti Soomaaliyeed, taasoo lagu duqeeyay xeebaha Yemen. Sida ay qortay Wakaalada wararka ee Imaaraadka ee WAM, waxaa lagu sheegay in Imaaraadku ay ogaayeen doonida waday dad rayid ah oo aan shaqo ku laheyn wax milateri ah….

Read More