Warbixin Kooban: Taariikh Nololeedka Madaxwaynihii hore ee Cuba Fidel Castro

Hargaysa 26.November 2016 (SDN/QJ):- Fidel Castro iyo dalkiisu wuxuu go’doon caalamka ka ahaa dhowr iyo Afartan sano. Wuxuu ka mid ahaa odoyaashii hor boodi jiray mabda’ii Shuuciyadda ee (Howl iyo Hanti-wadaaga) wuxuuna cadaw la ahaa dal waynaha Maraykanka oo isna hogaaminayay mabda’ii Hantigoosadka.   Wuxuu aad u soo caan baxay markii uu ka adkaaday jabhad…

Read More

“Caalamku Ma Barraarugo Illaa Xaaladdu Xumaato, Laakiin Waxaynu U Baahan Nahay Nidaam Aynu Kaga War Hayno Xoolaha, Daaqa Iyo Deegaanka..”

London 24 Nov 2016 (SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Dr Sacad Cali Shire, ayaa isagoo ku sugan magaalada London wax laga weydiiyey Abaarta muddada gaaban ee 15-ka bilood ah ku soo noqotay dalka iyo qorshe la’aanta Xukuumadda, Wasiirka oo ka jawaabaya ayaa waxa uu yidhi “Runtii inay Dayrtii baaqatay, Guga roobkiisiina uu teelteel ahaa, sanadkii horrena…

Read More

Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay In La Isla Gartay In Doorkan Madaxweyne Loo Doorto Qofkii Somaliland Wax U Qaban Lahaa

Hargaysa  24. November 2016 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ahna Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbigaasi Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Doorkani yahay kii isaga loo dooran lahaa Madaxweynaha Somaliland, maaddaama buu yidhi Daahir Rayaale iyo Siilaanyo-ba oo uu la soo tartamay Madaxweyne ka noqdeen Somaliland. Faysal Cali Waraabe wuxuu sheegay inuu xaq u…

Read More

Madaxweyne Silaanyo oo Kormeeray Waddada Ceeriaabo, Sallaad Roob-doon ahna La Tukaday Dadweynaha Magaalada Ceerigaabo

Ceerigaabo 24. November 2016 (SDN/QJ):-Weftigii Madaxweynuhu hoggaaminayey ee ku guda Jiray Safarkoodii Tabantaabo oo Maalintii lixaad madaxa la galay maanta oo Khamiis ah, xalayna u hoyday degmada Ceel Afweyn, ayaa subaxnimadii hore ee saaka u amba baxay dhinaca ceerigaabo, waxaanay sii kormeeren weftiga madaxweynuhu waddada ceerigaabo iyo burco isku xidha oo shaqo badan laga qabtay…

Read More

Wasaarada Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha oo Beenisay inay isku faro saareen Kharashkii Tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland

Hargaysa  24. November 2016 (SDN/QJ):-Shir jaraa`id oo ay wada jir u qabteen Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Mudane, Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin iyo Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo Xog ururinta ee Wasaaradaasi Mr. Cabdirashiid Caydiid Yaasiin ayaa waxay kaga hadleen warar ay qoreen maalmahan saxaafada dalka qaarkood oo ay ku sheegeen inuu jiro khilaaf…

Read More

Garabka Axmed Muumin Seed Oo Bilaabay Inay Taageerayaashooda Ku Wacyi-geliyaan Inay Xilliga Doorashada Ka Codeeyaan Xisbiga WADDANI

Borama, 24 Noofambar, 2016-(SDN/QJ) – Garabka Axmed Muumin Seed ee Xisbiga WADDANI, ayaa bilaabay Ololeyaal ay Taageerayaashooda Xisbigaa ku wacyi-gelinayaan inay ka codeeyaan Xisbiga WADDANI marka la gaadho Doorashada Madaxtooyada ee loo qorsheeyay inay dhacdo Bisha Saddexaad ee Sannadka dambe. Ku-xigeenka Arrimaha Siyaasadda ee Xisbiga WADDANI oo ka mid ah garabka Axmed Muumin Seed Mr….

Read More

Taariikhda Faneed Ee Abwaan Maxamed Jaamac Kayd Oo Hargeysa Ku Geeriyooday

Hargaysa 24. November 2016 (SDN/QJ):- Ilaahay ha u naxariistee waxaa Shalay magaalada Hargeysa ku geeriyooday Abwaan, macalin, Mu’aluf, Maxamed Jaamac Kayd oo ka mid ahaa Abwaannada Soomaalida ee Caanka ah, kaasi oo muddooyinkii dambe Bukaan socod ahaa, ka markii uu ku dhacay Xanuunka Faaliggu. Abwaan Kayd wuxuu ahaa Macallin Arday badan wax baray, waxaanu macalinimada…

Read More

Wasiir Dawladda Muqdisho Ka Tirsan Oo Sheegay In Somaliland Iyo Soomaaliya Aanay Wada-hadalladu Ka Dhab Ahayn

Muqdisho  23. November 2016 (SDN/QJ):-Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ku eedeeyey in dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya in aanay dhab ka ahayn wada hadalada u dhexeeyaa, islamarkaana aanay waxba ka ogeyn wada hadaladaasi Gollayaasha iyo hay’adaha kala duwan ee dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya. Wasiir Maareeye ayaa arrintan waxa uu kaga hadlay Wareysi…

Read More

Somaliland Oo Dacwad U Gudbisay Dalalka Jabuuti Iyo Itoobiya

Hargaysa  23. November 2016 (SDN/QJ):-Xukuumadda Somaliland, ayaa markii u horeysay shaacisay in ay dacwado la xidhiidha diyaarado sifo sharci daro kusoo galay xuduudka Somaliland u Gudbisay Dawladaha Jabuuti iyo Itoobiya. Wasiirro xukuumadda ka tirsan oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay diyaaradahaasi Sifo sharci daro kusoo galaan xuduudka Somaliland islamarkaana ay kala…

Read More

Kulan Balaadhan Oo Dhex Maray Madaxweynaha Somaliland Iyo Isimada Dhaqanka ee Gobolka Sool Habeenimadii Xalay

Laascaanood 23. November 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo Oo Ku guda jira socdaalkiisi Tabantaabo ayaa Habeenimadii Xalay ku hoyday Magaalo madaxda Sool, waxaanu kulamo muhiima la yeeshay madax dhaqameedka gobolka, iyadoo ay wehelinayaan gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo Masuuliyiin kala duwan. Kulankan oo ahaa mid qiimo gaara u leh gobolka sool ayaa…

Read More

“Faan ha Ka Dhiganina Kulmiyoow Waxaa Nalagaag Guulaystay 80 Cod, Hal Cod ayaa La isaga Guulaysanayaa,Waddanina Hal Cod ayuu Ogol Yahay in Lagaga Helo’’ Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani DAAWO

Hargaysa 21. November 2016 (SDN/QJ):- Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Maxamed C.laahi Uurcade ayaa Ka Jawaabay Hadalo Kasoo Yeedhay Gudoomiyaha Labaad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin oo Sheegay in Xisbiga Waddani uu diidan yahay Natiijada ka soo bixi doonta Doorashada Madaxtooyada ee Sannadka Soo Socota la filayo inay Qabsoonto

Read More

Taliyihii Ciidamada Milatariga ee Dawladii Siyaad Barre oo Socdaal Ku Jooga Magaalada Hargaysa,Kulan uu La Yeeshay Madaxweyne Siilaanyo iyo Ujeedada Rasmiga ah ee Safarkiisa DAAWO

Hargaysa 21. November 2016 (SDN/QJ):- Taliyihii Ciidamada Dawlada Milatariga ahayd ee Siyaad Barre General Galaal oo soo safar ku yimi Somaliland gaar ahaan Magaalada Hargeysa ayaa waxa uu ka hadlay ujeedada safar uu ku yimi Somaliland. Taliyihii hore ee ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Jen. Maxamed Nuur Galaal  ayaa sheegay in uu la kulmay madaxweynaha Somaliland…

Read More

Beesha Caalamka oo War Dareen Xumbaarsan ka soo saartay Hanaanka ay u socoto doorashada Aqalka Hoose ee Somalia & Falal ay ka Digeen Sii Socoshadoodu

Muqdisho 21. November 2016 (SDN/QJ):- Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-goboleedka IGAD, Dowladaha Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Britain iyo Dowladda Maraykanka ayaa ugu baaqay xubnaha Madasha Hogaanka Qaran inay awooddooda iyo saameyntooda adeegsadaan si ay uga hortagaan falalka ku takrifalka iyo caddaalad darrada ka dhaca hanaanka doorashada. Falalkan waxaa ka mid ah…

Read More

‘’Xisbiga WADDANI waxa uu ku soo kordhinayaa siyaasadda Somaliland oo uu iminka sii caddeeyey inaannu aqbali doonin natiijada doorashada haddii laga helo’’ Maxamed Kaahin DAAWO

Hargaysa 21. November 2016 (SDN/QJ):- Guddomiye-xigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, ayaa xisbiga Waddani ku eedeeyay inaanu aqbali doonin natiijada doorashada madaxtooyada, haddii laga guulaysto. Maxamed Kaahin wuxuu xisbiga Waddani ku eedeeyay inay baahinayaan hadalo dacaayad ku ah doorashada, “Waxa jira xisbiyo iyo siyaasiyiin odhanaya doorashada natiijadeeda lama aqbali doono oo waynu isku…

Read More