Gobol Ka Tirsan Dalka Maraykanka oo Dib loo Tirinayo Codadkii Doorashadii Madaxtinimo & Madaxweynaha la doortay Donald Trump oo Falkaas Khiyaano ku Tilmaamay

Washington 28. November 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka, Donald Trump, ayaa khiyaamo ku tilmaamay dib u tirinta codadkii laga dhiibtay gobolka Wisconsin . Waxaanuu sheegay in xataa Hillary Clinton markiiba aqbashay natiijadii ka soo baxday gobolkaas oo isaga guushu ku raacday codad aad u yar. Laakiin xisbiga Green Party ayaa si rasmi ah…

Read More

Hogaamiyihii iyo Aabihii Shuuciyada Dalka Cuba Fidel Castro ee Geeriyooday Iyo Warbixin Ku Saabsan Taariikhda Noloshiisa

Hargaysa 28. November 2016 (SDN/QJ):- Fidel Castro waxaa uu sanadku markii uu ahaa August 1926 ku dhashay Wuxuu ku dhasahy magaalada la yidhaa Las Manacas.waxbarashadiisa waxaa uu bilaabay isagoo Afar jir, reerka uu ka dhashay waxaa ay ahaayeen dad faqiir oo beero falato ah, Horaantii Qarnigii labaatanaad ayaa la sheegaa inuu Aabbihii u tahriibay Cuba…

Read More

Todobaadka Barnaamijka Horumarinta Kaabayaasha Afrika 2016 (Warbixin)

Hargaysa 28. November 2016 (SDN/QJ):- Barnaamijka Horumarinta Kaabayaasha Afrika ee sanadkan 2016  oo ka furmay maalintii jimcaha Magaalada Abidjan ee dalka Iverycoast ayaa diirada lagu saarayaa oo halhays looga dhigay abuuritaanka shaqooyin badan oo qayb ka qaadanaya isbedelka ay qaaraddu ku hammiyayso. Barnaamijka Horumarinta Kaabayaasha Afrika waa barnaamij khuseeya ka shaqaysiinta dhinacyada gaadiidka, Tamarta, Biyaha…

Read More

Fadeexad Soo Food-saartay Xafiiska Qaramada Midoobay Ee Soomaaliya UNSOS Iyo Jawaabaha Uu Ka Bixiyey

Muqdisho 28. November 2016 (SDN/QJ):- Xafiiska Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa u qaabbilsan Soomaaliya ee magiciisa loo soo gaabiyo UNSOS, ayaa fadeexad horlihi soo foodsaartay, ka dib markii ay 21-kii bishan baahisay Xayaysiiska ama ogeysiiska Boos Shaqo ka bannaan Xafiiskaas, kaasoo ay ogeysiiska la baahiyey ku sheegtay in Qofka Booskaa ama jagadaa soo codsan karaa yahay…

Read More

100 Kun oo Qaxooti Afrikaan ah oo ku dayacan Dalka yaman

Hargaysa 28. November 2016 (SDN/QJ):- Xarunta qaabilaada Qaxootiga ee Magaalada Mayfac ee Gobolka Shabwa ee dalka yaman oo ah xarun ay leedahay hay’ada qaxootiga u qaabilsan qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday in ay mudooyinkii u dambeeyey  xeebaha gobolada Shabwa iyo Xadramuut ee dalkaasi soo gaadheen qiyaastii 92000 oo qaxooti Afrikaan ah oo ka kala yimid…

Read More

Madaxweyne Siilaanyo iyo Weftigii uu Hogaaminayay oo Caawa u Hoyday Xarunta Gobolka Saaxil ee Berbera Kadib Markii laga Shakiyey Dooxyada Hargaysa iyo Berbera oo Xoog u Rogmanaya DAAWO

Berbera 27. November 2016 (SDN/QJ):- Weftigii uu Hogaaminayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa Galabta soo Gaadhay Magaalo Xeebeedka Berbera oo ay Caawa ku Sugnaan doonaan, ka dib markii daadad xoogani ay soo rogmadeen kala xidheena isu socodka Berbera iyo Hargeysa, taas oo bilow u ah raxmaad khayr qaba oo ka curtay…

Read More

Madaxweyne Siilaanyo Ayaa Kulan La Qaatay Odayaasha Gobolka Togdheer Qaar Ka Mida, Xadhigana Ka Jaray Mashaariic Muhiima Oo Laga Hirgeliyey Magaalada Burco, Caawana U Hoyday Berbera SAWIRO

Burco 27.November 2016 (SDN/QJ):-Weftigii Madaxweynuhu hoggaaminaayey oo maalintii sagaalaad ku guda jira socdalkii la magac baxay Tabantaabo ee xaalada abaarta la xidhidhay oo xalay u hoyday magaalo Madaxda Togdheer ee Burco ayaa saaka kulan balaadhan la qaatay odayaasha, aqoonyahanka, xildhibaanada iyo waxgaradka  gobolka qaar ka mid ah oo ay ka wada hadleen xaalada guud iyo…

Read More

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Soo Af-meertay Khilaaf Ka Taagnaa Dhuldaaqsimeed Ku Yaala Waqooyiga Hargaysa Ee Xeebta Dooxa Biji Iyo Goáamada Laga Soo Saaray DAAWO

Hargaysa 27.November 2016 (SDN/QJ):- Wasiiru Dawlaha Wasaarad Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriya ayaa Kulan oo uu saaka iskugu yeedhan madax dhaqameedaka waxgaradka iyo masuuliyiinta beelaha wada dega Dhul daaqsimeedka deegaanada Xeebta Dooxa Biji ee Waqooyiga Hargaysa. Kusoo gunaanaday khilaad dhuleed oo ka taagnaa dhuldaaqsimeedka deeganada waqooyiga hargaysa kaasi oo la doonaayey in la deegaameeyo….

Read More

Dariiqooyinka Xirfadaysan ee Google Wax lagaga Baadho (Xogta Dahsoon)

Hargaysa 27.November 2016 (SDN/QJ):-Xiligan casriga ah ee isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyada horumarsani ay shaqaynayso waxaa qabsoomay in shay muhiimad weyn kuu leh aad si fudud oo degdeg ah ku hesho,adigoo hanan kara macluumaad badan oo aad danaynaysay, Barnaamijkeenan xogta dahsoona waxaynu ku soo bandhigaynaa dariiqooyinka ugu sahlan ee wax loogaga baadho shabakada Google, kuwaas oo badankeenu…

Read More

Axmed M. Seed Oo Shaaciyey Shirqoollo Naftiisa Halis Geliyey Oo Shirkii Ambassador Ka Qabsaday, Kana Marag Kacay Mus-Dambeedka Beesha Guddoomiye Cirro Kasoo Jeeda Ee Nash-Qadeeya Go’aamadda Xisbigu Qaadanayo DAAWO

Hargaysa 27.November 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga WADDANI, ahna guddoomiyaha garabka toosinta iyo caddaaladda, ayaa markii ugu horraysay daaha ka fayday shiqoollo qarsoodi ahaa naftiisa halis lagu geliyey, kuwaas oo ka dhacay madashii uu ka dhacay madashii lagu qabtay shirkii golaha dhexe ee sababta u ahaa inuu xisbigaasi laga garab u kala jabo. Axmed…

Read More

Jamaal Cali Xuseen Ma Kulmiye ayuu ku Biirayaa Mise Waddani ayuu ku Socdaa?

Hargaysa 27.November 2016 (SDN/QJ):-Wada hadaladii ay Jamaal Cali Xuseen iyo kooxdiisu la bilaabeen xisbiyada KULMIYE iyo Waddani, ayaa ku dhow gunaanad, ka dib afar maalmood oo ay laba maalmoodba xisbi gaar ah la kulmayeen. Si rasmi ah looma garanayo xisbiga ay isugu biyo shuban doonaan midka uu noqon doono, laakiin dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan…

Read More

”Aniga Turkiga Iskuma Wanaagsanin,Marnaba Isku si ulama Dhaqmo dhexna uma aha Somaliland iyo Somalia” Cali Warancade

Hargaysa 27.November 2016 (SDN/QJ):-Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancade, ayaa dawladda Turkiga ku tilmaamay mid aan marna dhexdhexaad ka ahayn wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, waxaanu sheegay in xukuumadu ka fiirsan doonto wada hadaladii uu dhexdhexaadiyaha ka ahaa. Wasiirkii hore ee Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Warancadde oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah…

Read More

Xogo Laga Helay Sababta Uu Wasiir Cali Mareexaan Wakhtigan Ugu Soo Beegay Inuu Warbaahinta Ka Sheego Lacag Dayn Ah Oo Uu Kala Wareegay Ex-Wasiir Xirsi

Hargaysa 26.November 2016 (SDN/QJ):-Kadib muusenawgii Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryayntu Cali Mareexaan kula Kufay Doraad Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilanayo oo ay wafti kuwada socdaan Gobolka Sanaag,Waxa isasoo taraya warar hoose oo shaaca ka qaaday in Wasiir Cali Mareexaan mudooyinkii u dambeeyay ku jiray Xaalad adag oo siyaasadeed oo dhawr jiho ka soo…

Read More

Jiido badan oo ka Tirsan Degmada Sallaxley oo ay Galabta ka da’een Raxmaadka Eebbe oo Dad & Duunyaba lagu diirsaday

Hargaysa 26.November 2016 (SDN/QJ):- Roobab lagu diirsaday ayaa ka da’ay deegaano ka tirsan degmada Sallaxley. Sida; Balli-ciise, Dogob-cadka, Baha dhamal, Kaam-tuug, Ina-Guuxaa iyo gudaha magaalada Sallaxley. Dadka deegaanka oo aan qaar kamid ah la hadlay ayaa waxa ay ii sheegeen in sidoo kale Raxmaadka Eebbe ay ka da’een deegaanada Bisad iyo Kaam-Abokor oo ka tirsan…

Read More

Somaliland oo Gacanta ku Dhigtay Askar ka Tirsan Liyuu Booliiska iyo Xog Waranka Talliye Fooxle DAAWO

Hargaysa 26.November 2016 (SDN/QJ):- Ciidanka Booliska Somaliland ayaa gacanta kusoo dhigeen 7-askari oo ka tirsan ciidanka Liyuu Boolis ee DDSI iyo gaadhi qori saarnaa, kuwaasi oo kusoo xad-gudbay xuduudka Somaliland ee dhinaca degmada Faro-wayne – sida uu warbaahinta u sheegay Taliye-xigeenka ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle. Taliye Fooxle waxa uu sheegay in…

Read More

“Haddaan Siyaasi ahay, Been, Carrab-jalaq, Musuqmaasuq & Khiyaamo-ba Waad igu Arki lahayd..” Maayerka Berbera

Berbera 26. November 2016 (SDN/QJ):- Maayerka magaalada Berbera ahna Guddoomiyaha Golaha deegaanka ee degmadaas Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin), ayaa dhaartii la mariyey markii uu xilka qabtay ka dib mar kale meel fagaare ah kaga dhaartay inaanay jirin wax hanti ah oo uu ummadda ka lunsaday inta uu xilka hayey, isla markaana aanay jirin wax musuq…

Read More

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay Maxaabiis isku Deldelay Xabsiga Magaalada Berbera DAAWO

Hargaysa 26.November 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Maxamed Faarax Cadarre oo qaar ka tirsan Saxaafaddu su’aalo ka weydiiyeen Maxaabiistaas, sababta ay isu daldaleen iyo sida ay daryeel u helaan Maxaabiista Xabsiyada Somaliland, ayaa sheegay in Maxbuuska is-del-delay ee geeriyooday uu marka horeba xanuunsanayey, isla markaana meel gaar ah kaga xidhnaa Maxaabiista kale ee Xabsiga…

Read More

Qarax lagu Hoobtay oo Muqdisho Gilgilay, Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Badbaaday iyo Khasaaraha ka dhashay

Muqdisho 26.November 2016 (SDN/QJ):- Ugu Yaraan inta la xaqiijiyey 17 Ruux ayaa ku dhintay, Soddomeeyo kalena way ku dhaawacmeen Qarax wayn oo Sabtidii Maanta gilgilay magaalada Muqdisho, kaasoo la sheegay inuu ka badbaaday Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Daqiiqado ka hor maray meesha uu Qaraxaasi ka dhacay. Qaraxa oo lagu fuliyey Gaadhi Surff…

Read More