“Cirro Waxaanu Waydiinaynaa, Isbeddelka Aad Dhalinaysaa Hal-beeggiisu Ma Ka Ismaaciil Hurre Buubaa-baa..”? Siyaasiga Maxamuud Raage

Hargaysa 31.October 2016 (SDN/QJ):- Maxamuud Raage oo ka mid ah Saraakiisha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, ayaa dhaliilay Aragtida ay Qarannimada Somaliland ka aaminsan yihiin Qaar ka mid ah Siyaasiyiin dhawaan ka soo laabtay Soomaaliya oo ku biiray Xisbiga WADDANI, kuwaasi oo uu ka mid yahay Ismaaciil Hurre Buubaa oo Xilal badan ka soo qabtay…

Read More

“Markaan Masallaha Dul-marayey Ilmaa Iga Soo Daatay, Laakiin Dib-baan U Celiyey..” Fannaanka Cabdikariin RAAS Oo 13 Sano ka Dib, Dalka Ku Soo Laabtay DAAWO

Hargaysa 31.October 2016 (SDN/QJ):- Waxa doraad Magaalada Hargeysa si diiran loogu soo dhaweeyay Fannaanka Cabdikariin Ismaaciil Muuse (Cabdikariin Raas) oo ka mid ah Fannaaniinta reer Somaliland. Cabdikariin Raas oo Dalka Ingiriiska oo uu deggan yahay ka soo kicitimay, ayaa waxa Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa ku soo dhaweeyay Fannaaniin iyo Qaar ka mid ah Dadweynaha ku…

Read More

Dugsi La’aan ka Jirta Degmada Qoolcadey Ee Degmada Salaxley & Ardaydii oo Isaga Haajirtay

Sallaxley 31.October 2016 (SDN/QJ):- Xaalad waxbarasho la’aan  ayaa soo waajahday Deegaanka Qoolcaday oo ka tirsan degmada Sallaxley ee gobolka Maroodijeex ee Somaliland. Ka dib markii Dugsigii deegaankaas ay sameysmeen Dildilaacyo waaweyn oo laga shakiyay inuu ku dumo Caruurtii waxbarashada u iman jirtay. Isu-duwaha wasaaradda waxbarashada Somaliland ee degmada Sallaxley Cabdiraxmaan Diiriye Ismaaciil, oo idaacada Koor…

Read More

Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam iyo Masuuliyiinta Ciyaaraha oo Ballanqaaday in la Casriyeyn Doono Garoonka Timacadde Sannadka 2017-ka

Hargaysa 31.October 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo masuuliyiinta bahda ciyaaraha, ayaa ballanqaaday in qaab casri ah loo dhisi doono garoonka kubadda kolayga Timacadde ee caasimadda Hargeysa, isla markaana sannadka dambe lagu ciyaari doono isaga oo dusha sare ka dedan. Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Kolayga Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xasan Cabdillaahi (Qadax)…

Read More

Siyaasiga C/qaadir Obsiiye Oo Musharraxiinta Xisbiyada Ku Marti-qaadaya Kulan Ay Bulshada Ugu Soo Bandhigaan Barnaamijyadooda

Hargaysa 31.October 2016 (SDN/QJ):- Siyaasiga Cabdiqaadir Cali Obsiiye, ayaa Musharraxiinta Madaxweyne ee Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland ugu baaqay inay kala soo qayb-galaan kulan uu isagu Marti-qaadkiisa leeyahay, kaasi oo uu sheegay inuu doonayo in Musharraxiintu ay Bulshada ugu soo bandhigaan Barnaamijyadooda Siyaasadeed iyo Waxqabad. Cabdiqaadir Obsiiye oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa…

Read More

Mid Ka Mid Ah Ragga Ugu Taajirsan Dunida Oo Ballanqaaday In Aanu Badi Maalkiisa Uga Tagi Doonin Caruurtiisa, Sababtu Maxay Tahay?

Hargaysa 31.October 2016 (SDN/QJ):- Ninka lagu magacaabo Bill Gates oo ah mulkiilaha shirkadda samaysa softweerka kumbiyuutaradu ku shaqeeyaan ee Microsoft ayaa dhawaan sheegay war ay aad ula yaabaan dhamaan shacbiweynaha dunidan ku nooli kaasi oo ahaa in aanu inta badan maalkiisa uga tagi doonin caruurtiisa marka uu geeriyoodo, ninkan da’diisu tahay 69 jirka ayaa waraysi…

Read More

Beesha caalamka oo Meel adag iska Taagtay dib u dhaca ku yimid codeynta aqalka hoose ee baarlamanka Somalia

Muqdisho 31.October 2016 (SDN/QJ):- Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, iyo Boqortooyada Midowday ee Britain/Ingiriiska iyo Dowladda Maraykanka ayaa aad uga walaacsan eedeymaha joogtada ah ee ku saabsan musuqmaasuqa lagu hayo geedi-socodka doorasho ee Soomaaliya iyo warbixinnada ku saabsan cabsi gelin soo noqnoqotay oo ay la kulmaan musharaxiinta quudarraynaya ka…

Read More

“Xubinta shirwaynaha Xisbigu u doorto Hogaanka sare ee Xisbiga UCID uma banaana in ay u tartanto Musharaxnimada jagada Madaxweynaha iyo ku-xigeenimada”.Maxamaed Dubad Gacayte

Hargaysa 31.October 2016 (SDN/QJ):- Anagoo ka duulayna Xeerka UCID iyo Xeer Lam.14; Waxaanu Cadaynaynaa Inaanu Faysal Gudoomiye Ahayn, Lumiyayna Xilkii Gudoomiyenimo Kadib Markii uu Ku Dhawaaqay Musharaxnimo. Sida Ku Cad qodobadan:- QODOBKA 27 AAD, Faqradiisa (3 & 4) EE XEERKA UCID. Wuxuu dhigayaa. Xubinta shirwaynaha Xisbigu u doorto Hogaanka sare ee Xisbiga uma banaana in…

Read More

Qaar kamid ah Wadooyinka Muqdisho oo dhawaan la xidhayo iyo Sababta ka dambeysa oo la sheegay

Muqdisho 31.October 2016 (SDN/QJ):- Taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan la xirayo qaar kamid ah Wadooyinka muhiimka ah ee kuyaala Magaalada Muqdisho. Taliyaha ciidanka booliiska Gobolka Banaadir Col. Bishaar Abshir Geeddi ayaa sheegay in maalmaha soo socda la xiri doono Wadooyin Muhiim ah oo kuyaala magaalada Muqdisho si loo xaqiijiyo amaanka…

Read More

WATCH Somalia: The Forgotten Story: The story of Somalia’s decline from stability to chaos and the problems facing its people at home and abroad

Hargaysa 30.October 2016 (SDN/QJ):- The story of Somalia’s decline from stability to chaos and the problems facing its people at home and abroad. Somalia’s modern history is a tale of independence, prosperity and democracy in the 1960s, military dictatorship in the 1970s and 1980s – followed by a desperate decline into civil war and chaos…

Read More

Komiishanka Doorashooyinka Somaliland oo Cod dheer Ku Beeniyey inay Luntay Xogtii Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha, & Shakhsiyaad ay Sharciga la Tiigsan doonaan DAAWO

Hargaysa 30.October 2016 (SDN/QJ):- Gudida doorashooyinka qaranka Somaliland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xaruntooda ayaa cadeeyey in ay doorashadu qabsoomi doonto xiligii ay hore iskula qaateen asxaabta qaranka, xukuumada iyo Komiishanku,Waxaa kale oo ay ka Hadleen Warar Sheegaya in Laba Gacmood dhexdood ay ka baxday Xogta Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Somaliland.

Read More

Shirqoolkii Shirkadda Shidaalka ee Conoco iyo Wixii Kala Qabsaday iyaga iyo Siyaad Barre DAAWO

Muqdisho 30.October 2016 (SDN/QJ):- Dowladii kacaanka ee dalka Soomaaliya ka talin jirtay waxaa ay heshiisyo muuqda iyo kuwa qarsoodi ah la gashay shirkaddo soo saara shidaalka iyo gaas-ka, inkastoo heshiisyadaasi dhamaantood aysan fullin gabi ahaanba, midaasi oo caqabad ku noqotay burburkii dowladii dhexe ee dalka oo ay majaraha u siibeyn jab’hadihii dalka afarta dhinac kasoo…

Read More

Muqdisho Fadeexad Hor Leh:- Maxaa Baasaboorka Soomaaliya Loogu qoray Kelmadda ‘Gender’? DAAWO

Muqdisho 30.October 2016 (SDN/QJ):- Fadeexad ayaa lasoo deristay baasaboorka Dalka Soomaaliya kaasi oo lagu arkay ereyo Af-ingiriisi ah oo loo isticmaalay Passportka, kuwaasi oo dhaqan ahaan iyo diin ahaanba meel ka dhac ku ah soomaalida iyo diinta Islaamka. Passportka Dalka Soomaaliya ayaa waxa ku qoran kelmadda ‘GENDER’ oo la sheegay in looga jeedo Labeeb ama…

Read More

‘’Wixii Na Soo Kala Dhex Maray Maalmihii Kacaanka October Maxamed Cumar Jees iyo uu Cabdulqaadir Xaaji Masalle & Xiisaha ay Xambaarsan tahay’’ Waa Sheeko Xaqiiq ah oo La Kulantay Weriye Yuusuf Garaad Cumar Qaybtii 2aad

London 30.October 2016 (SDN/QJ):- Aniga oo cajaladaheygii isku duwaya oo midba gooni u suntaya dadka qaarna ay iska sheekeysanayaan oo aan fadhinno jalbeebka barxadda Wasaaradda Warfaafinta kuraasta dhagaxa ah oo taalla oo sida igu maqaal ah uu dhigay Cabdi Xaaji Gobdoon markii uu ahaa Agaasimaha Guud ,ayaa waxaa soo galay gaari cad oo Mercedes ah.  …

Read More

Daahfurka Bilowga Duulimaadyada Shirkada Djibouti Airline & Muuqaal is fasiraya DAAWO

Hargaysa 30.October 2016 (SDN/QJ):- Xubno Ka Tirsan Golaha Wasiirada Jamhuuriyada Somaliland, Safiirka Dawlada Jabuuti u fadhiya Somaliland,Mas’uuliyiin iyo Madax kale ayaa ka qayb galay Xaflad lagu daahfurayay Duulimaadkii ugu Horeeyay ee Shirkada Jabuuti Airline ay Ku Soo Fadhiisatay Madaarada Magaalooyinka Hargaysa Iyo Berbera.

Read More

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Kulan la Qaatay Raysal Wasaaraha Itoobiya & Qodobo Xasaasi ah oo laga wada Hadlay

Addis Ababa 30.October 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa safar ugu amba baxay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia waxa uu halkaas kula kulmay Ra’ysal wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn, iyadoo safarkaasi madaxweynaha uu ku weheliyay guddoomiyaha Xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi. Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu…

Read More