“Madaxwaynuhu Wuu Degan Yahay Ingiriiska, Marti Qaad Rasmiyana Muu Helin, Baadhis Caafimaad Ayuu U Tagey, Umana Malaynayo In Ciddi La Kulmayso…….”Xildhibaan Xoog
Hargaysa 13.October 2016 (SDN/QJ):-Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac “Xoog” oo kamida mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland kana tirsan xisbiga WADDANI ayaa ka hadlay safarka uu madaxwaynuhu ku tagay dalka ingiriiska ,waxaanuu sheegay inaan madaxwaynuhu marti qaad rasmi ah kuu tagin dalkaas balse uu xaalad caafimaad u tagay dalka ingiriiska. Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog oo waraysi gaar ah siiyay…
