Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Furay Shirkii Maamul Daadejinta Dawladaha Hoose ee Dalka,Iyo Waxtarka uu Waddanka u Leeyahay DAAWO
Hargaysa 12.October 2016 (SDN/QJ):- Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ahna ku-simaha Madaxweynaha JSL ayaa ka qayb galay Shirka Hab-maamulka Dawladaha Hoose (Local Governance Conference) oo ka furmay Hoteelka Ambassador. Shirkani wuxuu salka ku hayaa bernaamijka la magac baxay Bernaamijka Maamul Daadejinta Dawladaha Hoose ee Jam. Somaliland (Somaliland Joint Programme on Local Governance-JPLG)…
