Wadooyinka  Caasimada qaarkood oo weli u xidhan geedihii uu so ridey roobkii dabeysha watay ee Todobaadkan da’ay & Doorkii D.H.H oo aan muuqan Iyo Magacyada 11 School oo uu Jiingadii ka qaaday

Hargaysa 17.June 2016 (SDN/QJ):-Qaar kamida wadooyinka dhex mara xaafadaha magaalada Hargeysa ayaa xidhan kadib markii uu roob dabeylo wata   maalintii isniinta ee Todobaadkan  soo ridey Geedo badan oo ku yaal magaalada.   Geedaha dabeysha roobku soo ridey  waxaa ay dhex yaalaan wadooyinkii ay mari lahaayeen Gaadiidka iyo dadku,  arrintaasi oo keentay in wadooyinkii furnaa ay…

Read More

Layaabka Dunida: Hooyo Danyar ah oo Saddex Ilmood Oo Mataano Ah Ku Umushay Cisbitaal Kuyaala Magaaladda Muqdisho Ee Dalka Soomaaliya

Muqdisho 17.June 2016 (SDN/QJ):- Hooyo Soomaaliyeed ayaa saddex ilmood oo mataano ah ku Umushay Cisbitaal kuyaala Magaaladda Muqdhisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya,gaar ahaan Cisbitaalka Suudaaniga ah ee Banaadir. Sida warbixintan lagu sheegay Markii ay Hooyaddani tagtey Isbitaalka Banaadir oo la baadhey ayaa waxaa loo direy inay Kombuuter isa soo saarto waxaana Ehelkeedu u kaxeeyeen Isbitaalka…

Read More

137 Tahriibayaal Itoobiyaan Ah Oo Gaadhi Kula Qalibmay Gobolka Badhan Iyo Xog-warranka Badhasaabka Somaliland Ee Gobolkaa

Badhan, 17 June, 2016(SDN/QJ): – 25 Qof oo Tahriibayaal ah, ayaa ku dhaawacmay Tuulada Cillin ee ka tirsan Gobolka Badhan kadib markii uu la dhacay Gaadhigii ay safrayeen oo ku sii Jeeday magaalada xeebta ee Boosaaso. Gaadhiga waxaa saarnaa 137 qof oo tahriibayaal Itoobiyaan ah oo doonayay inay magaalada Boosaaso ay uga Gudbaan Dalka Yemen…

Read More

Laba Dil oo ka Dhacay Magaalada Laascaanood Iyo Maamulka Gobolka Sool oo Ka Hadlay

Laascaanood 17,June 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha gobolka Sool Mustafe Cabdi Ciise Shiine,ayaa ka hadlay toogasho laba ruux ku dhinteen oo ka dhacday deegaanka Yeyle ee gobolka Sool iyo nabayanta shaqaaqadii beelaha walaalaha ah ku dhex martay dharkayn  Geeye halka ay u marayso. Waxaa kale oo uu waxba kama jiraan ka dhigay wararka sheegaya in laba beelood dagaal…

Read More

Horjoogayaasha Ururka Alshabaab oo Wakhti Kooban Gudihii kaga Badbaaday Laba Shirqool

Muqdisho 17.June 2016 (SDN/QJ):-  Waxaa soo baaxaya warar sheegaya in Hogaamiyaha guud ee maleeshiyaadka Al-shabaab Axmed Cumar Diiriye (Abuu Cubeyda) uu ka badbaaday tiraba laba shirqool oo dil ah muddo gaaban gudaheed kuwaasi oo la doonayay in lagu khaarajiyo duqayn dhinaca cirka ah oo loo adeegsanayo qalabkii ugu dambeeyey ee casriga ah dunida. Horjoogaha Kooxda…

Read More

Wasiiradda Warfaafinta Iyo Awqaafta oo Magaalada Gebilay Xadhiga kaga Jaray Idaacada Qur’aanka Kariimka ah DAAWO

Gabiley 17,June,2016(SDN/QJ):– Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Mudane Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Cadaani) ayaa si rasmi ah xadhiga uga jaray idaacada Qur’aanka kariimka ah oo laga hirgeliyay magaalada Gabilay. Munaasibad loo sameeyay daahfurka idaacada Quraanka Kariimka ah ayaa lagu qabtay hoolka dawlada hoose ee magaalada Gabilay, waxaana ka qeyb galay wasiirka warfaafinta Cismaan Cabdillaahi…

Read More

Fadaa’isha Bisha Barakaysan ee Ramadaan,Awoodaha alle ina siiyey ee aynu Dayacnay Iyo Muxaadiro uu inoo soo Jeedinayo Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun DAAWO

Hargaysa 17.June 2016 (SDN/QJ):- Waxaynu ku dhex Jirnaa Tobankii dhexe ee Bisha Ramadaan oo Koobsatay Nimcooyin badan oo ka gaar ah Bilaha Kale Waa Bishii Raxmada,Bishii Denbi dhaafka Bisha uu Alle Kor ahaaye Adoomihiisa Camalka Suuban la Yimaada uu ka Xoreeyo Naarta Waa Bishii Ramadaan. Hadaba Muxaadiran Waxaa inoo soo Jeedinaya Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil…

Read More

Ururka SOLJA oo Walaac ka muujiyey Cabbudhinta ay Xukuumadda Siilaanyo ku Hayso Saxaafadda & Xorriyadda Hadalka

Hargaysa 16.June 2016 (SDN/QJ):-Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa walaac xooggan ka muujiyey Cabbdudhinta iyo Cadaadiska xad-beelay ee ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku hayso Saxaafadda iyo Suxufiyiinta madaxa-bannaan iyo weliba Xorriyadda Hadalka Muwaaddiniinta Somaliland Dastuurku u dammaanad-qaaday. SOLJA waxa uu sidaas ku sheegay War-Saxaafadeed ka soo baxay Xarunta Ururka ee magaalada Hargeysa oo uu ku…

Read More

Xildhibaan ka tirsanayd Baarlamaanka Britain oo Toogasho lagu dilay, Sababta dilka & Madax ka hadashay

London 16.June 2016 (SDN/QJ):-  Xildhibaankii ugu horreeyey ee xil haya illaa 1990-kii, ayaa caawa lagu dilay Waqooyiga waddanka Boqortooyada Britain, taasoo ahayd Xildhibaan  Jo Cox oo ka tirsanayd Xubnaha Baarlamaanka UK oo da’deedu ahayd 52 sano jir. Ciidammada Booliiska Britian ee Waqooyiga England, ayaa sheegay in Jo Cox oo ahayd xubin Baarlamaanka Britain ka tirsan,…

Read More

DHAGEYSO: Walaac laga qabo inay dib u dhacdo Doorashada la filayo inay ka dhacaan Soomaaliya

Muqdisho,16,6,2016 (QJ/SDN) – Waxaa soo baxaya Walaac laga Qabo in Doorasooyinka aqallada baarlamaanka iyo tan hoggaanka dalka ee Soomaaliya ay ku dhici doonto waqtigii loogu talagalay oo ah bilaha August iyo September ee Sannadkan. Sidoo kale, Waxaa jirta in weli aan la dhameystirin Bartil-maameedyo Farsamo oo muhiim u ah qabashada doorashada sida wax ka bedelka…

Read More

Dawladda Somaliya Oo Ku Mashquulsan Sidii Ay Muqdisho U Gayn Lahayd Odayaal Dhaqameed Somaliland Ah

Muqdisho, 16,6,2016 (QJ/SDN) – Dawladda Somaliya, ayaa abaabulaysa sidii ay magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya u gayn lahayd odayaal ay ku sheegtay inay metelayaan odayaasha dhaqanka ee Somaliland, si ay qayb uga noqdaan nidaamka doorasho ee Somaliya ka qabsoomaya dabayaaqada sannadkan. Odayaashan ayaa warar uu Geeska Afrika, helay waxay sheegayaan in loo xilsaaray masuuliyiinta asal…

Read More

Dawladda Ingiriiska Oo Si Taxadar Ka Muuqdo Uga Hadashay Dib U Dhaca Ku Yimid Wada Hadalada Somaliland iyo Somaliya Ee Turkiga

London, 16,6,2016 (QJ/SDN) – Dawladda Ingiriiska, ayaa si uu taxadar badani ka muuqdo waxa ay uga hadashay dib u dhaca ku yimid wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ee la qorsheeyay inay Turkiga ka qabsoomaan 31 May, kuwaas oo aan ilaa hadda si rasmi ah loo garanayn sababta dib u dhaca keentay. Wasiirka Afrika iyo waddamada…

Read More

Magaalo yar Oo Ku Taalla Dalka Cummaan Oo La Sheegay In Laga Soomo 3-Saacadood iyo Badh

Wekan,16,6,2016 (QJ/SDN) – Warbaahinta caalamka qaarkood ayaa maalmahan baahinayey war sheegaya in Tuulo ku taalla dhinaca koonfur galbeed ee wadanka Cummaan bisha Ramadaan marka la gaadho laga soomo oo kaliya sadex saacadood iyo badh. Waxaa tuuladan oo la yidhaahdo ‘Wakan’ ku nool boqolaal qof, waana meel loo dalxiis tago oo leh beero qurux badan buuro,…

Read More

Baarlamanka Somalia oo wax ka bedelay qodobo ka mid ah dastuurka KMG ah

Muqdisho,16,6,2016 (QJ/SDN) – Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa wax ka badal ku sameeyey qodobbo ka mid ah dastuurka KMG ah ee dalka. Kulankii maanta oo uu shir guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya Mudane Jeylaani Nuur Iikar ayaa Xildhibaanada waxa ay wax ka badal ku…

Read More

Madaxweynaha Killilka Shanaad Ee Itoobiya Oo Ka Hadlay Dhacdadii Gaashaamo Iyo Warbixinta Guddigii Baadhista

Jigjiga, 16,6,2016 (QJ/SDN) – Madaxweynaha Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mudane Cabdi Maxamuud Cumar (Iley), ayaa ka hadlay dhibaatadii ka dhacay Degmada Gaashamo ee lagu laayey dadka maatida ah, waxaanu sheegay in dagaalkaasi aanu ahayn sida loo sheegay isla markaana aanu dhicin wax xasuuqa ah ama gumaad ah oo ciidankiisu ay geysteen, isaga oo tilmaamay in…

Read More