Category: Wararkii ugu Dambeeyay
WAJAALE: Wariyayaal Reer Somaliland ah oo Laga Qafaashay Daanta Itoobiya
Wajaale,20,6,2016 (QJ/SDN) – 5 suxufi oo ka hawlaga magaalada Gabiley ayaa laga qafaashay magaalada Wajaale qaybta ay Itoobiya maamusho. Sida ay sheegeen suxufiyiin kale. Shantan wariye ayaa waxa xalay looga yeedhay magaalada Wajaale iyada oo loo sheegay in ay soo tabin doonaan Suldaan lagu caleemo saarayo Wajaale. Shantan Wariye oo ka kala shaqeeya HCTV, SLNTV,…
Milgihii ay Mudnayd Xuska 26 June Maalintii Somaliland Xornimadeeda ka qaadatay Ingiriiska oo Maqaam Hoose Xukuumadu ugu Talo Gashay in lagu Xuso,Iyo Siyaasadaha Mugdiga Gelinaya Qadiyada Somaliland in la Gole Geynayo
Hargeysa, 20.June 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Fooda inagu soo Haysa Munaasibada 26 June oo ah Markii ay Jamhuuriyadda Somaliland Xornimadeeda ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska 1960 oo haatan laga Joogo Mudo ku siman 56 Sannadood. Dhanka kale Maalintan oo ahayd dharaartii u horaysay ee Calan ay qaataan dadyawgii Somaliyeed ee shanta ahaa waxay Somaliland Mulki u heshay…
DAAWO: Saacadaha Soonka Ee Waddamada Qaaradda Yurub
London,20,6,2016 (QJ/SDN) – Waxaad halkan hoose ka daawan kartaa ama ka dhagaysan kartaa Wareysi ku saabsan saacadaha laga soomo qaaradda Yurub oo aad u dhaadheer.
DAAWO: Suldaan Maxamed Oo Cabasho Ka Muujiyay Warar Lagu Baahiyay Warbaahinta DDSI
Hargeysa,20,6,2016 (QJ/SDN) – Suldaanka guud ee beelaha Somaliland, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa cabasho ka muujiyay warar lagu baahiyay qaar ka mid ah warbaahinta Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, wararkaasi oo lagu sheegay in ganacsadaha wayn ee Ina-Afdiinle uu ku lug lahaa shaqaaqadii iyo xasuuqii ka dhacay deegaanka Jaamac Dubad ee degmada Gaashaamo, iyadoona Suldaanku uu farriin…
Muxaadiro Gilgishay Quluubta Bah’da Warbaahinta Somaliland oo Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun u Jeediyey DAAWO
Hargeysa 20,June 2016 –(SDN/QJ):- Sh. Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun ayaa muxaadaro gilgishay quluubta Suxufiyiintii kulanka goob-joogga ka ahaa ka jeediyay. Dhammaan Kelmidihii Saddexda maalmood waa kuwan, Daawasho wacan: https://www.youtube.com/watch?v=UPQjzHdwE1Y https://www.youtube.com/watch?v=Dfl5wiuv3KM
Dunida Oo Maanta Laga Xusayo Maalinta Qoxootiga
Nairobi,20,6,2016 (QJ/SDN) – Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 20ka bisha Lixaad 2016 ayaa waxaa ay tahay maalinta qaxootiga caalamka. Si kastaba ha ahaatee, maalintaan ayaa sanadkaan waxay kusoo aadday iyadoo loo caal waayay xaddidida qulqulka qaxootiga caalamka oo idil. Dalal badan oo caalamka ah gaar ahaan dalalka Islaamka iyo qaarada Afrika inteeda saxaraha…
Tirada Dad Looga Shakiyey Ururka Al-Shabaab Oo Lagu Qabtey Xaafadda Boqol Iyo Kontonka Ee Hargeysa, Sida Hawl-galku U Dhacay Iyo Hubka Lagu Qabtay
Hargeysa 20,June 2016 –(SDN/QJ):- Hawl-gal Ciidammada sida gaarka ah u Tababbaran ee loo yaqaanno RRU-du ka sameeyeen Xaafadda Boqol iyo Kontonka ee Magaalada Hargeysa ayay ku soo qabteen Saddex Qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Dalka Soomaaliya. Ma Jiro War Rasmiya oo ka soo baxay Ciidammada…
Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo Markii Kowaad Suxufi ku soo eedaysay dacwad ka dhan ah Barta uu ku leeyahay Shabakada Facebook
Hargeysa 20,June 2016 –(SDN/QJ):-Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ayaa markii ugu horaysay dacwad noo ceedu ku sucub yahay Suxufiyeenta ka hawlgala gudaha Somaliland ku soo oogtay Wariye Cali Mahdi Jibriil Xassan oo ka tirsan Weriyeyaasha ka hawl-gala Telifeeshanka Bulsho ee gudaha Somaliland ee magaalada Hargeysa. Wariye Cali Mahdi oo warbaahinta ugu waramayey magaalada Hargeysa, ayaa sheegay…
Somaliland: Taayiro Lagu Gubay Wadooyinka Magaalada Berbera
Berbera,20,6,2016 (QJ/SDN) – Waxa Saaka subaxnimadii lagu waabariistay magaalada Berbera Taayiro tira badan oo lagu gubay Wadooyinka halbawlaha ah ee magaalada iyada oo lagu jiro xiligii dabayl xagaada oo dabkuna halis yahay sida uu ufidaa. Taayirada la gubay ayaan ilaa hada la garanayn cida gubtay ee dabka qabadsiisay waxse loo malaynayaa inay ka danbeeyaan dad…
Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo Soo Kormeertay Karashar ay Dawlada Hoose ee Hargaysa Wax kaga qabanayso Burburka Wadooyinka DAAWO
Hargeysa 20,June 2016 –(SDN/QJ):-Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Aamina Sheekh Maxamud Jirde “Aamino Waris’’ isla markaana Xubin ka ah Gudida Bilicda Caasimada Hargaysa ayaa Kormeer ku soo martay Karashar ay Dawlada Hoose ee Caasimadu Wax kaga qabanayso Burburka Jidadka Caasimada . https://www.youtube.com/watch?v=fVHc6sHQdOg
MADAXWEYNE XASAN: Siyaasadda DF waa mid Dhiirri-gelinaysa Ganacsiga Furan
Muqdisho,20,6,2016 (QJ/SDN) – Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud – ayaa maanta Xariga ka jarey Terminal cusub oo loo sameeyey Dekedda Caalamiga ah ee Xamar kaasoo loogu talagaley fududeynta adeegga dekedda. Terminalkaan Cusub oo ah Nooca loo yaqaan “Dry Port” oo ku yaalla Meel ka yara baxsan Dekedda ayaa loo Adeegsan doonaa in la dhigo Dhammaan…
DAAWO: Guddoomiye Cirro oo ka hadlay Falkii Gaashaamo iyo Ku biirista Pro.Samatar ee Kulmiye
Hargeysa,20,6,2016 (QJ/SDN) – Guddoomiyaha Golaha wakiilada Ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro waxaa uu shalay ka hadlay Dadkii shacabka ahaa ee lagu laayay Gaashaamo, ku biirista Axmed Samatar ee Kulmiye iyo Arrimo kale. Halkan ka Daawo Wareysi uu siiyay HCTV, https://www.youtube.com/watch?v=LJuqVZIf4_c
Xisbiga Waddani oo Degmada Sallaxley Gaadhsiiyey Barnaamijka Bisha Ramadaan ee La Afur Xisbiga Waddani DAAWO
Hargeysa 20,June 2016 –(SDN/QJ):-Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa Magaalada Hargaysa iyo Qaar ka Mid ah Magaalooyinka Waaweyn ee Dalka Waxa uu ka Wadaa Barnaamij uu ugu Magac daray la Afur Xisbiga Waddani Waxaana Deegaamada ugu danbeeyay ee uu ka fuliyey ka mid ah Magaalada Sallaxley ee Gobolka Maroodijeex,Isagoo Kaalmo Raashin ah Gaadhsiiya dadka danyarta…
Waxyaabaha Adag ee Dadku Liqeen iyo Barnaamijka Xogta Dahsoon DAAWO
Hargeysa 20,June 2016 –(SDN/QJ):- Barnaamijkeena xogta dahsoon waxaynu ku soo qaadi doonaa waxyaabaha ugu adag ee ay liqeen bani’aadamku. Fadlan ka Taxadir inaad Samayso Muuqaalada aan Video-gan ka daawato kadib Waayo Saamayn Caafimaad ayay Naftaada ku keenayaan. https://youtu.be/oifBi473-a4
”Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Duco iyo Habaar Midna Ma Ogola” Kaftanka Siyaasada iyo Weriye Cali Xaraare DAAWO
Minnesota, 20.June 2016 (SDN/QJ):- Ducadiina Dadbaa Lagu Xidhay Oo Ilaa Imika Duco u Xidhan iyo Habaarkiina Waxay Culimada Ka Codsadeen In Laga Daayo. Kolkaa Xaalku Wuxuu Marayaa Duco iyo Habaartoona Uma Baahnin. Hadaba Wariye Ali Harare Muxuu Ka yidhi DUCADA & HABAARKA. Daawo Kaftanka Siyaasada iyo Saxafiga Wayn Cali Xaraare.
Xukuumadda Oo Lagu Eedeeyay Inay Garan-weyday Inay Cisbitaal Geyso Afhayeenka Dhallinyarada WADDANI Oo Ku Dhex Xanuunsanaya Saldhigga Dhexe Ee Hargeysa
Hargeysa 20,June 2016 –(SDN/QJ):- Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa mar kale ka hadlay Xadhig Xukuumaddu u geysatay Afhayeenka Garabka Dhallinyarada ee WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme iyo Dhallinyaro kale oo ka soo jeeda Gobolka Saaxil, kuwaasi oo Xadhiggooda loo cuskaday inay si khaldan uga hadleen Heshiiska Maal-gelinta Dekedda Berbera. Afhayeenka Guud ee Xisbiga WADDANI…
Xisbiga KULMIYE oo Agab ciyaareed ku wareejiyey 12 kooxood oo ka dhisan Gobolka Gabiley
Gebilay 20,June 2016 –(SDN/QJ):-Xisbul-xaakimka haya talada Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa qalab ciyaaraha Kubadda Cagta ah ku wareejiyey kooxaha ka qaybgalaya tartanka bisha Ramadaan ee ka socda magaalada Gabiley. Wefti ballaadhan oo isugu jira hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo masuuliyiinta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland oo uu hoggaaminayo Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga oo tagay magaalada Gabiley…
Bisha Ramadaan,Suuqyada Magaalada Boorama Iyo ka Ganacsiga Xab Xabka Warbixin DAAWO
Boorama 20,June 2016 –(SDN/QJ):-Sida Qaalibka ah Bisha Ramadaan Waxaa Suuqyada Somaliland Xoog u soo gala Xab Xabka oo dadku ku afuraan kaas oo hela Suuq fiican oo Ganacsi.
Xaqiiqooyin ku saabsan Dhiigga, (Xogta Dahsoon) DAAWO
Hargeysa 20,June 2016 –(SDN/QJ):- Dhiigu waa shay cajiib ah oo fadligiisa ilaahay ku noolaystay noolaha oo dhan oo uu ku jiro bani’aadamku, isagoo dhiigu ku jiro dhamaan qaybaha nolosha, qaybo kala duwana u kala baxa, barnaamijkeena xogta dahsoona waxaan idiinku hayaa macluumaad iyo xaqqiiqooyin inagaga dahsoonaa dhiigga. https://youtu.be/cedQc3cJCQM
Telefishanka KTN ee Kenya oo Dood adag isku soo Hor fadhiisiyey Labada Safiir ee Wadamada Itoobiya iyo Ereteriya iyo Xiisaha ku lamaan DAAWO
Nairobi 20,June 2016 –(SDN/QJ):-Telefishanka KTN ee dalka Kenya ayaa dood isku horfadhiisiyay safiirada Itoobiya iyo Ereteriya ee ku sugan magaalada Nayroobi. Doodan oo ah dood kulul, daawasho wanaagsan.
