Category: Wararkii ugu Dambeeyay
Beeralayda iyo Dadka ka ag dhow Wabiyada Mara Soomaaliya oo bilaabay Qaxitaan DHAGAYSO
Shabeelaha dhexe 11,May 2016 (SDN/QJ):- Dadka beeralayda ah ee ka faa’iidaysan jiray biyaha Wabiga ee gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ayaa bilaabay inay isaga cararaan beerahooda iyo dhulka joogiisu hooseeyo kadib markii fatahaadii ugu horaysa wabigu uu gaystay xiligan. Madaxda dawlada federalka Soomaaliya gaar ahaana waaxda ka horta abaaraha iyo masiibooyinka dabiiciga ah ayaa…
Booliska UK oo raalli galin siiyay Muslimiinta,Kadib markii ay si xun u isticmaaleen kalmadda “Allaahu Akbar”
London 11,May 2016 (SDN/QJ):- Sarkaal sare oo kamid ah Poliska dalka Ingiriiska ayaa raalli galin ka bixiyay isticmaalka kalmadda “ Allaahu Akbar” xilli ay samaynayeen dhoolla tus kusaabsan la dagaallanka argagixisada. Dhoolla-tusankan waxaa lagu daawaday nin iska dhigaya qof miinaysan oo doonaya inuu qarxiyo waxyaabihii ku xirnaa, mid kamid ah suuqyada mashquulka badan ee…
Al Shabaab oo sheegatay inay ciidamo Maraykan ah gacanta iskula tageen
Shabeellada hoose 11,May 2016 (SDN/QJ):- Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay inay ciidamo Ameerikaan ah isku fara sareen deegaanka loo yaqaan Tooratooroow ee gobolka Shabeellada hoose. Kooxda ayaa warbaahintooda ku sheegay inay iska caabbiyeen weerar cirka ah oo ay soo qaadeen ciidamo Maraykan ah oo wata diyaaradaha qumaatiga u kaca balse ay iska caabbiyeen oo cashar…
Ciidamada Ammaanka Jubaland oo Fashiliyey Qarax Miino
Kismaayo 11,May 2016 (SDN/QJ):- Laamaha amaanka maamulka jubaland ayaa sheegay in ay Shalay galab fashiliyeen Qarax la doonayey in lagu bartil maaysado goob ay joogeen dad badan oo shacab ah. Goobta lagu fashiliyay qaraxan ayaa loo yaqaan Kuumadaha oo horay u aheyd Warshadii Galeyda ee Magaalada Kismaayo. Ciidamada maamulka jubaland ayaa sheegay marka…
Guddoomiyaha Cusub Ee Maxkamadda Sare Somalia Oo Xilkii Kala Wareegay Guddoomiyihii Hore
Muqdisho 10,May 2016 (SDN/QJ): -Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee dalka Soomaaliya Dr. Ibraahim Iidle Suleyman, ayaa xilkii kala wareegayay guddoomiyihii hore ee Maxkamada sare Mudane Caydiid Ilka-xanaf. Xaflada xilka kula kala wareegayeen masuuliyiintan ayaa waxa lagu qabtay xarunta Maxkamadda Sare, waxaana ka soo qaybgalay Raysal Wasaare ku xigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar…
Daawo:- “Ummadda Reer Somaliland Soo dhaweyntii Jabuuti Ee Madaxweynaha aad ayay uga Xumaadeen’’ Ex-Wasiir Cabdillaahi Geeljire
Hargeysa, 10,5,2016 (QJ/SDN) – Wasiirkii hore ee warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Jaamac Geeljire ayaa noqday siyaasigii ugu horreeyay ee Somaliland kaasi oo ka hadla soo dhaweyntii meeqaamkeedu hooseeyay ee lagu qaabilay Madaxweynaha Somaliland caleemo saarkii madaxwetne Geelle ee dalka Jabuuti.
Philippine Oo Dooratay Madaxweyne Cusub
Davao, 10,5,2016 (QJ/SDN) – Rodrigo Duterte duqa magaalada Davao ee koonfurta Philippine ayaa lagu wadaa inuu noqdo madaxweynaha dalkaasi, kadib markii uu helay codadka ugu badan ee doorashadii shalay dhacday. Rodrigo, wuxuu helay ku dhawaad 6 malyuun oo cod, oo ka badan codadka ninka isaga ku soo dhow oo ah, wasiirkii hore ee arrimaha gudaha…
Shirkadda Facebook Oo Iska Fogeysay Eedo Loo Jeediyay
Hargeysa, 10,5,2016 (QJ/SDN) – Shirkadda Facebook ayaa iska difaacday eedo loo soo jeediyay oo ahaa in ay qariso qoraallada taageersan siyaasadaha muxaafidka ah. Warbixin uu daabacay bogga internet-ka ee baahiya wararka tiknoolajiyadda, Gizmodo, ayaa sheegtay in shaqaalaha shirkadda ee u xil saaran qoraallada lagu baahiyo Facebook oo ay adeegsadaan 1.6 bilyan oo qof ay inta…
Xukuumadda Soomaaliya oo Bilawday Qorista Shaqaale Soomaali ah oo Loo Dirayo Sacuudiga
Muqdisho, 10,5,2016 (QJ/SDN) – Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday bilaabashada diiwaan gelinta shaqaale Soomaali ah oo loo dirayo dalka Boqortooyada Sucuudiga. Wasiir ku xigeenka wasaaraddaasi mudane Cismaan Libaax Ibraahim oo shir jaraa’id maanta ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay in shirkado Soomaaliyeed loo fasaxay billaabista diyaarintii shaqaalaha loo…
Shil Aad U Fool Xun Oo Ay 70 Qof Ku Dhinteen Oo Afganistan Ka Dhacay
Kabul,10.May 2016 (SDN/QJ):- Ugu yaraan 72 qof ayaa ku dhintay kuwo kalena waa ku dhaawacmeen shil fool xun oo ka dhacay wadanka Afganistaan,waxaana shilkani ka dhashay laba bas iyo booyad isku dhacay. Shilka ayaa yimid sida goobjoogayaal ku warameen kadib markii mid kamid ah Basaska rakaabka siday uu damcay in uu dhaafo baska kale, waxaana…
Daawo:- Golaha Wakiilada Oo Mooshin Ka Keenaya Heshiiska Dekedda Berbera
Hargeysa, 10,5,2016 (QJ/SDN) – Xildhibaan Qabille oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland ayaa sheegay in uu golahaasi hor yaallo mooshin ka dhan ah heshiiska ay xukuumadda Somaliland la gashay dalka Imaaraadka ee ku aadan dekedda Berbera. https://www.youtube.com/watch?v=zXFmisFKOJw
Meydadkii Dadkii Ku Dhintay Badda Mediterranean-ka oo Xeebaha Greece Kusoo Caariyay
Athans, 10,5,2016 (QJ/SDN) – Meydadka qaxooti badan oo tahriibeyaal ah oo dhawaan ku dhintay badda Mediterranean-ka ayaa kusoo caariyay xeebaha Greece. Arintaas ayaa walaac xooggan ku abuurtay dawlada iyo shacabka dalkaasi Greece. Greece ayaa wuxuu ka mid yahay dalalka ay sii maraan tahriibeyaashu marka ay kusii jeedaan qeybaha kale ee Yurub. Dad badan oo meydadkoodu…
Al-Shabaab Oo Fashilisay Weerar Ay Ku Qaadeen Ciidamo Maraykan Ah
Muqdisho, 10,5,2016 (QJ/SDN) – Xarakada Al-Shabaab, ayaa sheegay inay ka hor-tageen weerar ciidammo Mareykan ah oo watay diyaarado ay xalay doonayeen inay ku qaadaan deegaanka Toora-Toorow oo ka tirsan degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellada Hoose. Warar ay Al-shabaab ku baahisay barahooda ayay ku sheegtay in illaa 10-askaro oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ay kasoo degeen…
“Doorasho Ayaa Inagu Soo Socota, Waxaan Asxaabta Kula Dardaarmayaa Tartan Nadiif Ah”
Hargeysa, 10,5,2016 (QJ/SDN) – Xaaji Cabdikariim (Cabdi Waraabe), ayaa ka hadlay gaabiska ka muuqda Diiwaangelinta kaadhka cod bixinta ee Gobolka Maroodi-jeex, waxaanu dadka ku booriyey in aanay dhayalsan kaadhka diiwaangelinta oo ay qaatan. Xaaji Cabdikariim (Cabdi Waraabe), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya,…
Daawo:- Maareeye Cali Xoor-xoor Oo Laga Wareejin Doono Maamulka Dekedda Berbera
Hargeysa, 10,5,2016 (QJ/SDN) – Wasiirka wasaarada arimaha dibada Somaliland Sacad Cali Shire oo xukuumada u saxeexay hishiiska wareejinta dekada Berbera oo maanta qaar ka mid ah warbaahinta kula hadley magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu ka hadley arintaasi Waxaa uu sheegay wasiirku in maamulka dekada ay la wareegi doonan gudi isku dhaf ah oo ka kala…
Daawo:- Guddoomiyaha Gobolka Sool Oo Sheegay In Gurigiisa Hub Waawayn Lagu Weeraray
Hargeysa, 10,5,2016 (QJ/SDN) – Guddoomiyaha gobolka Sool Mustafe Cabdi Shiine ayaa sheegay in gurigiisa uu ka deganyahay magaalada Laascaanood hub cul-culus lagu weeraray xalay xilli danbe.
SAWIRRO: Kulan Ay Caawa Soo Qaban-qaabisay Guddida Sahan-Barwaaqo Oo Laga Soo Saaray Go’aammo Lagu Dar-dargelinayo Diiwaangelinta
Hargeysa, 9,5,2016 (QJ/SDN) – Kulan ballaadhan oo lagaga hadlayay sidii loo dar-dargelin lahaa diiwaangelinta Gobolka Maroodi-jeex gaar ahaan degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge ayaa caawa ka qabsoomay magaalada Hargeysa, kulankaasi oo ay soo qaban-qaabisay Guddida Guud Ee Sahan-Barwaaqo. Kulan oo ahaa mid si wayn la iskugu waydaarsaday aragtiyo iyo falan-qayn ku aadan sidii loo…
Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland oo Markale Digniin u Dirtay Madax-dhaqameedka
Hargeysa, 9,5,2016 (QJ/SDN) – Wasiirka Wasaarada arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Waran-cadde Isaga oo tixraacaya Wareegtadii Sumadeedu ahayd WAG/Xw/86/72/2015 kuna taariikhaysan 11/01/2015 oo kazoo baxday xafiiska wasiirka Arrima gudaha ujeedadeeduna ahayd joojinta caleemo saarka cuqaasha iyo salaadiinta soo badanaya. waxaa uu wasiirka ku wargalinayaa dhamaanba Badhasaabada Dalka Iyo Taliyaha Ciidamada Boliska JSl . in…
Wasiir Cali Warancade Oo Ciidamada Booliska, Sirdoonka Iyo Laanta Socdaalka Ku Amray In Shacabka La Waydiiyo Kaadhka Muwaadinka Iyo Ka Ajaanibka
Hargeysa, 9,5,2016 (QJ/SDN) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland mudane Cali Maxamed Waran-cadde ayaa manta Soo Saaray Wareegto uu ku amrayo Ciidamada Boliska , Laanta Socdaalka iyo Sirdoonka Qaranka Somaliland . Halkan hoose ka akhriso warqad kasoo baxday Xafiiska Wasiir Waran-cadde
WASHINGTON POST: NISA waxay si khasab ah ku askareysaa caruurta ka soo baxda Al-shabaab
Muqdisho , 9,5,2016(QJ/SDN) – Wargeyska Washington Post ee kasoo baxa Maraykanka ayaa warbixin dheer ka qoray sida dhaqaalaha Maraykanka ay siiyaan Dowladda Somalia loogu adeegsado in carruurta ay basaas u noqdaan hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA. Warbixinta ayaa lagu xusay in sannooyin badan ay Carruurtaasi ahaayeen kuwo ay hub iyo tababar siiyeen Alshabaab,…
