|

Cawayska Washington ee Toddobaadka, Weriye Sahra Ciidle iyo Fannaanadda Nimco Cali Migil DHAGAYSO

Washington 25. November 2017 (SDN/QJ):-Barnaamijka Cawayska Washington ee ka baxa Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da oo ay Toddobaadkan galbaday daaddihiye ka ahayd Weriye Sahra Ciidle Nuur, ayaa waxay ku soo qaatadatay Qodobbo Xiiso leh oo uu ka mid yahay Waraysi ay la yeelatay Fannaanadda Reer Jabuuti ee Nimco Cali Migil iyo weliba Xubin kale oo Xiiso leh oo la xidhiidha Dal ay Dawladdiisu Dadka ku dhaqan ay ku amartay inaan la arki karin Qof bilaa xaas ah, Qof kasta oo Wiil ama Gabadh ah oo Doob ama Gashaanti ah oo ku guursan waaya wakhtiga loo qabtay Xadhig iyo Ganaax lacageed ay mutaysan doonaan.

Haddaba, Barnaamijkan Xiisaha gaarka ah lahaa toddobaadkan ee Cawayska Washington ee ay Daaddihinayso Weriye Sahra Ciidle Nuur oo uu qaybta hore kala qayb-qaatay Weriye Cabdixakiin Maxamuud Shirwac, sidoo kalena ay Fannaanadda Soomaaliyeed ee Reer Jabuuti ee Nimco Cali Migil Waayaha Fankeeda iyo Heesaha ay ku luuqayso Qaarkood kula wadaagtay Weriye Sahra.

Waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Qaybteenna Raadyaha ama Qaybta Codadka ama Maqalka ee Qurbejoog.com, waxaanad ka dhegaysan kartaan ama kala degi kartaan Barnaamijkaas oo Cod ah Liidka Madoow ee Qoraalkeennan ka hooseeya, ee Dhegaysi wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed