Uncategorized

Ciidamada Amaanka Faransiiska oo ku gedaaman nin xagjira oo dilal dalkaa ka geystay

Toulouse Mar 21,2012(SDN)-Nin lagu tuhunsan yahay in uu ka danbeeyay dilala dhawr ah oo dhawaan ka dhacay Farnsiiska ayaa ciidamada amaanka dalkaasi ay iminka ku gedaaman yihiin.

Ninkan ayaa dhawaan dilay sadex ka mida askarta dalkaasi oo ka soo jeeda dalalka Woqooyiga Africa.

Sidoo kale isla ninkani waxa loo heystaa in uu ka danbeeyay dila dhawaan loo geystay dhawr cariuur ah iyo waalidkood ka dib kolkii uu rasaas ku furay Dugsi ku yaal magaalada Toulouse.

Ninkan oo aqalkiisa haatan lagu gedaaman yahay ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Mera,waxaana la sheegay in uu ka soo jeedo dalka Algeria.

Maxamed ayaa la sheegay in uu sheegay in uu u aargudayo caruurta reer Falastine ee la laayo iyo farogelinta ciidamada Faransiiska ee Afgaanistaan.

War ka soo baxay Wasiirka arrimaha guddaha Farance Claude Gueant waxa uu sheegay in ciidamada sirta ee dalkaasi ay ninkan daba socdeen dhawrkii sano ee u horeeyay.

Ninkan ayaa sidoo kale qirtay in uu xiriir la leeyahay kooxda Al Qaacida.

SDN-Toulouse

contact@somalidiasporanews.com