Uncategorized

Arday Ka Tirsan Jaamacada Admas Oo Soo Qaban Qaabiyey Munaasibad Buugaag Loogu Ururinayo Xarun Wax Akhris Oo Dalku Yeesho

Hargeysa, 21, Mar 2012 (SDN)- Ardayda Kulliyada Daraasaadka Horumarinta (Development Studies) ee Jaamacada Admas ee magaalada Hargeysa ayaa soo qaban qaabiyey Munaasibad balaadhan oo lagu ururinayo buugaag la dhigo Maktabad lagu akhristo, isla markaana kor u qaada wax akhriska Bulshada Somaliland oo la tilmaamay inay aad uga liitaan wakhtiga ay siiyaan Wax Akhrinta.

Munaasibadan oo fikirkeeda ay iska lahaayeen urur ay ku bohoobeen ardayda dhigata kuliyada Development-ka oo la yidhaa Student Development Assosiation (SDA) oo xalay lagu qabtay Xarunta Jaamacada Admas ee (Main Compus-ka), ayaa waxa ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Jaamacada Admas Axmed-Daahir Cadnaan, Ardayda Kulliyadaha Kala duwan ee Jaamacada iyo Macalimiintooda, Wasiirka Warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaale, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada Cali Xaamud Jibriil, Madaxa Candlelight Shukri Xaaji Baandare, Guddoomiyaha Sonyo, marti sharaf oo ka socotay Naadiyada Wax Akhriska ee Hargeysa iyo Timacade, ayaa waxa ay Masuuliyiintaasi halkaasi keeneen Buugaag farabadan oo ay ugu deeqeen Barnaamijkaasi kor loogu qaadayo wax akhris, halka qaar kalena ku yabooheen Lacag lagu soo iibiyo Buugaag.

Guddoomiyaha Jaamacada Admas Mr Cadnaan oo halkaasi ka hadlay ayaa isagu sheegay inuu madasha buugaagta loogu qaadhaamayo uu keenay laba Buug oo uu sheegay inay yihiin labadii Buug ee uu ugu jeclaa oo uu hayey muddo 10 sano ah, ayaa sidoo hambalyeeyey Ardaydaasi Development-ka ee fikirkaasi la yimid, waxaanu intaasi raaciyey in haddii wax la wada qabsado aan loo baahan doonin Caawimo dibadeed, waxaanu yidhi “Arintani waxa ay ii tahay maalin taariikhi ah, oo hoosta ka xariiqaysa maaling gaar ah oo dhalinyarada Somaliland oo aan odhan karaa waa xafladii iigu horaysay intii aan somalialnd joogay oo noocan oo kale ah oo aan ka qaybgalo, aqoon marka laga hadlayo aqoontu wax kale lama xidhiidho ee waa in aad waxna qori karto waxna akhrin karto ayaad ku gaadhi kartaa in aad kasban karto cilmi iyo aqoon heerka ay doontaba ha noqotee, xafladan waxa aad moodaa in runtii ay tahay mid hormood ama tusaaleba u ah dhamaan dayarta iyo inta danaysa waxbarashada in ay ku dayan doonaan oo ay barto dadka in la isticmaalo wax la yidhaahdo Wax qabsashada oo aynaan mar walba sugin deeq dibadaha uun ka timaada kaliya, bal inaga gudaheenu inaynu iska bilaabi karno Hargeysa caawa inta ku nool ama wax barata ama jaamacad ku jirta ama iskuul ku jirta, haddii la yidhaahdo ka ugu yari buuq ayuu ku deeqi karaa, boqolaal kun oo buug ayaa la keeni karayaa, in xafladani ay noqoto mid tusaale u ah dhamaan machadyada ama jaamacadaha kale ee dalka ayaan rajaynayaa, waana Istaraatijiyad loo baahan yahay.

Sida aan ku hayo xogta waxa door muhiim ah ka ciyaaray Student Development Association, ardayda wax ka barata Kuliyada Development Studies.

Aniga takhasuskaygi Dhaqaalaha (Economics) ayuu ahaayoo, marka Horumarinta Dhaqaalaha (Economic Development) laga hadayana, waxa aan soo xasuustaa ninkii ugu horeeyey ee marka horumarinta dhaqaalah la soo qaado ninka Adam Smith ayuu ahaa, waxa ay ahayd ilaa 1776-dii, ardayda wax ka barata kuliyada Horumarka ama Development-ka waxa aad moodaa in ay u horseedeen dhamaan ardayda kale ee jaamacada iyo jaamacadaha kaleba horumar balaadhan oo ay ku tusayaan kuna tusaalaynayaan in dadku haduu isku tago uu wax qabsan karo, iyada oo aan caawimo dibada uga iman.

Aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa ardaydaa wax ka barata kuliyada Horumarinta (Development Studies-ka) bar bilow fiican muujisay, waxa aan jeclahay in Kuliyadan markii la aasaasayey dhib badan baan kala kulanay jaamacada waayo waxa la waayey in heerka Degreega (Degree Level) ama barnaamijka barashada horumarka ah, wadamada aynu dariska nahay ama Afrika aynu ka helno si looga qaato Manhajka, waxa naga caawiyey niman maraykan ahaa iyo qolooyin kale oo ka yimid dibadaha sidii barnaamijka loo dajin lahaa, laakiin waa kulayd muhiim u ah wakhtigan xaadirka ah, xaaladaha ay ku jirto Somaliland oo ah dib u dhis iyo Horumar (Reconstruction and Development Programs) ay ka socdaan wadanka oo loo baahan yahay in la helo dad u qaabilsan oo hormuud ka noqon kara dhinaca horumarka, tusaale ahaan waxa aan xasuustaa Istaraatajiyadaha horumarinta dhaqaale in aduunku uu ku kala duwan yahay, Hargeysa waxa aad ogtihiin Caasimada Somaliland dadweynaha ku nool kama yara hal milyan inuu ka bato mooyaane, sidee ayaad u malaynaysaa haddii qayb ka mid ah dadweynahaasi, waa 600,000 Shacab ah haddii ay hal hal dollar iska ururiyaan waa 600,000 dollar Bishii sanadkii imisa ayay noqonaysaa waxa ay noqonaysaa Malaayiin dollar, uma baahnaanayno gargaar inooga yimaada dibadaha Wadaad dhisi kartaa, dhakhtaraad dhisi kartaa, wax badan baa la qaban karaa, ardayda Development Studies waxa aan rajaynayaa inay noqdaan indhihii iyo facii ugu horeeyey ee Somaliland ku haga, runtiina wax la taaban karo ka qaban doona dhinaca horumarka.

Xafladda iyo Ujeedada ay ku saabsan tahay oo ah in buuqaaq lagu deeqo oo meel la iskugu keeno (Book Donation) waa arin runtii aan aad ugu rajo waynahay inay halkaa ka sii socon doonto anagu maamul ahaan waxaanu halkan ka balan qaadaynaa in aanu kaga qayb qaadan doono Dhaqaale ahaan, Qalab ahaan in Somaliland gaar ahaana halka loo badan yahay ee Caasimada in laga dhiso Maktabada ugu wayn oo dadku ay iska leeyiin in aanu qayb laxaadle ka qaadan doono oo aanu hormuud ka noqon doono”

Waxa kale oo isaguna goobtaasi ka hadlay Mustafe Maxamed Daahir oo ka tirsan ururka ay bohoobeen Ardayda Development-ka ee Student Development Association., waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Ujeedada Xafladan laga lahaa waxa ay ahayd in kor loo qaado wacyiga ardayda ee ku saabsan akhriska, qoraalka, taas waxa lagu gaadhi karaa in buugaag la helo, in qoraalo la sameeyo iyo in wacyigalin joogto ah la helo, waxa aan caawa arkayey in ardaydu ay dhexdooda buugaag farabadan ka soo ururiyeen, dad badan oo jaamacada ama ardayda ka baxsana ay ku soo deeqeen, qoraalka waxa aanu ku rajo waynahay qofkii wax akhriya ayuunbaana wax qora, buugaagtan la keenay waxa aanu u keenay in wax la akhriyo, sidoo kale waxa aynu ku rajo waynahay in jaamacada Admas uu ka bilaabmo Wargeys ama Majalad ay ardaydu soo saarto oo magaciisa la yidhaahdo Codka Ardayga (Students Voice) oo aanu ku rajo waynahay inuu uu soo baxo bisha afraad oo qayb ka qaadan doono horumarinta qoraalka ardayda, sidoo kale wacyigalin joogto ah oo ardayda la siiyo waxa aan is leeyahay waa jaaniskii ugu wanaagsanaa ee ardaydu ay kaga faa’idaysan lahaayeen dad badan oo qoraaya ama akhriska khibrad badan u leh oo uu ugu horeeyo wasiirku ama Boobe Yuusuf Ducaale.

Marka labaad haddii aan wax yar ka taabto ururka SDA (Student Development Association) waxa la aasaasay June sanadkii hore SDA waxa uu aasaaskeedu ka soo bilaabmay dhawr arday oo dhigta kuliyada daraasaadka horumarineed (Development Studies) fikirka SDA waxa uu dhashay kadib markii guruubka aasaasay markii dhinac isku mid ah ay ka arkeen baahiyaha guud ee dhinaca waxbarashada ee Somaliland hortaagan maanta, baahiyahaas oo ay ka mid yihiin macalimiin yaraan iyo agabka waxbarashada ee jaamacadi u baahnaan lahayd.

SDA markii la aasaasay waxa ay isku dayday inay ka fikirto sidii ay wax uga qaban lahayd, waxaanu samaynay xidhiidho farabadan oo aanu la xidhiidhnay dad badan oo aanu uga waranay oo aanu kala tashanay baahiyaha jira iyo sidii wax looga qaban lahaa, runtii way noo dhago nuglaayeen wayna Garowsadeen arimihii aanu kala tashanay”.

 

SDN, Hargeisa Somaliland

Said8090@gmail.com