Hobyo Nov 16,2012(SDN)-Ciidamada badda ee xulufada NATO ee ku hawlan la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida ayaa todobaadkan qaaday hawgalo ay ku tagayaan xeebaha Soomaalida.
Hawlgalada ayuu taliska NATO ku sheegay mid looga gol leeyahay in lagu hor joogsado dhaqdhaqaaqa burcad badeedu ka wado badaha ku dhaw dhaw Soomaaliya.
Maraakiibta dagaalka ee NATO ee HNLMS Rotterdam, HDMS Iver Huitfeldt iyo USS Halyburton ayaa doonyo ay la socdaan ciidamo hubeysan u diray xeeb o aan la sheegin kuwa ay yihiin oo Soomaaliya ku yaal todobaadkan.
Ben Bekkering oo ah taliyaha hawgaladan ayaa waxa uu sheegay in ujjeedada hawlgalku yahay in ay adkeeyaan in burcadu si fudu ay bada uga ugaarsato maraakiibta ganacsi.
Ciidamada doomaha ku tegay xeebaha ayaa waxa ay wareysanayeen kaluumeysatada iyo ganacsatada si ay isugu muujiyaan in ay kafaalo qaadayaan amaanka cid walba oo badda isticmaaleysa.
Dawlada Soomaaliya iyo maamulada ka arrimiya degaanada Burcadu ka hawlgasho ayaan ilaa hada ka hadal hawgaladan ciidamada NATO keenay xeebaha.
SDN-Hobyo
contact@somalidiasporanews.com
