Uncategorized

Mareykanka oo soo dhaweeyay ansixinta xukuumada cusub ee Soomaaliya

Washington Nov 16,2012(SDN)-War ka soo baxay wasaarada arrimaha dibedda ee dalka Mareykanka ayaa looga waramay ansixintii xukuumada cusub ee Soomaaliya iyo nooca wada shaqeyn dhex mari doonta Mareykanka iyo Soomaalida.

Dawlada Mareykanka ayaa soo dhaweysay taariikhina ku sheegtay sida aqlebiyada leh ee Baarlamaanku  ansixiay gollihii xukuumada ee dhawaanta la soo dhisay.

Sidoo kale qoraalkan ka soo baxay wasaarada arrimaha dibedda ee Mareykanka waxa lagu sheegay in si dheeli tiran loo dhisay xukuumada oo laga qeyb geliyay dadka laga tirada badan yahay iyo haweenka.

Qoraalka wasaarada arrimaha dibedda ee Mareykanka waxa lagu soo gunaanaday in Mareykanku gacan siin doono xukuumada cusub si ay u sugto xasiloonida,degenaanta iyo horumarinta degaanada iyo dadka Soomaaliyeed.

SDN-Washington

contact@somalidiasporanews.com