Uncategorized

Ciidamada Badda ee Reer Yurub oo Duqeyay Xarumo Burcad badeedu Beriga ku Leeyihiin

Gaalkacyo May15 2012(SDN)-Ciidamada Badda ee Midawga Yurub ayaa manta duqeyn u geystay goob xeebta ku taal oo ay Burcad badeed Soomaliya ahi ka abaabuleysay weerarada ay ku qaadaan Maraakiibta mareysa baddweynta Hindiya.

Sidaana waxa saxaafada u xaqiijiyay mid ka mida horjoogeyaasha kooxaha Burcad badeeda oo magaciisa la yidhaahdo Bile Xuseen.

Bile waxa uu intaa ku daray in duyuuradaha reer galbeedku duqeeyeen degaanka Xandulle ee gobolka Mudug.

Degaankan ayaa 180 km waxa uu u jiraa degmada Xarunta u noqotay Burcada ee Xaradheere.

Duqeynta manta ayaa waxa lagu burburiyay Doonyo nooca dheereya ah,shidaal iyo hub,balse lama sheegin cid wax ku noqotay weerarka.

Afhayeen u hadlay xafiisa madaxa arrimaha dibedda ee reerYurub Catherine Ashton ayaa mar uu hawlgalka uga waramay saxaafada waxa uu sheegay in tilaabadani tahay mid xal loogu baadi goobayo xaaladaha guracan ee ka jira Soomaaliya.

“waa xal aanu doorbideyno in ay meesha ka saarto burcada ka qawleysata badaha”ayuu yidhi afhayeenku.

Ma cada waxa ay soo kordhin doonto dhiilada colaadeed ee beriga ay isla yimaadeen Burcada Soomaalida iyo ciidamada reer Yurub,waxaase hubaal ah in shicib badani ku dhex halaagmi doono herdenka labada dhan.

SDN-Gaalkcyo
contact@somalidiasporanews.com