Uncategorized

Madaxweyne Faroole:Dagaal qudha laguma xalin karo mushkilada Burcad badeeda

New Delhi May 16,2012(SDN)-Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Md Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo booqanaya Hindiya ayaa ka talo bixiyay habka ugu haboon ee lagu la dagaalami karo Burcada.

Lixdan muwaadin oo u dhashay dalka Hindiya ayaa haatan waxa ay gacanta ugu jiraan Burcad badeed Soomaali ah.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in uu taageersan yahay in ciidamada Hindiya la dagaalamaan Burcada madax furashada u heysata dadka shacabka.

“Waxaan mar walba taageersanahay in burcada tilaabo ciidan laga qaado,waxaase soo jeedinayaa in si kalena lagu eego”ayuu yidhi madaxweynuhu.

“Waa in shaqo abuur loo sameeyaa dhalinta degan xeebaha,isla markaana la joojiyaa lacagaha madax furashada”ayuu yidhi Faroole.

Faroole ayaa Hindiya ku jooga booqasho la xidhiidha sidii dawladaasi Puntland ugu taageeri leheyd mashaariic horu marin.

 

SDN-New Delhi

contact@somalidiasporanews.com