Hargaysa 01.June 2014 (SDN/QJ)- Afhayeenka madasha wada-tashiga iyo toosinta qaranka Somaliland Mujaahid Ibraahim Cabdilaahi Xuseen (Dhagaweyne) ayaa walaac ka muujiyey xaalada uu maanta dalku marayo, islamarkaana waxa uu madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey inuu ka baxsaday SNM maalmihii guda-galkii dalka ee Hargeysa iyo Burco 27 May iyo 31-kii May 1988-kii.
Mujaahid Ibraahim Dhagaweyne waxa uu sidaa ku sheegay shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Magaalada Haregeysa, kaas oo ay kaga hadleen khilaafka ka dhex taagan Xisbiga KULMIYE iyo muddo kotdhin la hadal-hayo in loo sameeyo xukuumada uu hogaaminayo Madaxweyne Siilaanyo.
Mujaahid Ibraahim Dhagaweyne waxa uu warwar ka muujiyey xaalada uu dalku wakhtigan mareyo, waxaanu yidhi“Waxa weeyaan xaalada aynu maanta ku jirnaa waa xaalad burbura malaha nina way u wanaagsan tahay umadda inteeda kalena dhinac ayey ka taagan tahay, waxay u aragtaa inaanay waxba jirin, waxa maanta meesha yaala Golayaashii (Guurtida iyo Wakiillada) way baaba’een, sharciguuna wuu abaaba’ay, Maxkamadiina way baaba’ay.
Sidoo kale waxa uu Dhagaweyne weeraray guddida diwaangelinta Ururada ururada Siyaasada iyo ansixinta axsaabta qaran oo uu ku tilmaamay wax uu iska adeegsado madaxweynuhu, waxaanu yidhi “Diwaangelin wax la yidhaahdo oo uu ka dhigtay maxkamad oo hore waxan u soo sameeyeen ayey imika leeyihiin KULMIYE ayaanu kala saareynaa oo aan sharciyeysnayn oo ay ahayd inay ururada diwaangeliyaan oo ay ahayd inay meesha ka baxeen,arrimahani maaha qaar la isaga tagayo meesha ay sharciga ka keeneen waa lala xisaabtami iyo dunuubta ay dalka ka galayan Axmed Siilaanyo waxa uu u heysta intuu si yar isaga tago oo uu caruurta uu leynayo iyo dhiiga dhaca berito way ku xumaan doonta oo waa la arki doonaa”
“Axmed Siilaanyo waakii ka cararay, run ayaan idiin sheegayaye 31-kii May 27-May gudagalkii dalka waxa uu ka baxsaday halgankii SNM oo waxa uu u cararay London maalintii dalka la soo galayey, waa maalintii ay yaabtey dawlada Ethiopia ee ay tidhi walaahi hadaan halgankaa ku jiro maan carareen,”.Ayuu yidhi Ibraahim Dhagaweyne.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Waar Xabadaad ka carartay ayaad maanta ku ordeysaa Axmed-Siilaanyo adiga iyo inamadan yaryar ee aan waxba ka ogeyn, iyo umaddii aad ka dhuumatey habeenka madoow waxa ka mida Xasan Guure, Abwaan Maxamed Warsame Hadraawi, Jaamac iyo Saalax Boobe Yuusuf Ducaale ee Jigjiga kaga baxsaday car haday kaa dhab tahay Telefiishanka kaalay labadeena ayaa ka doodeynee, waxaan idin tusayaa umad-yahay wixii uu ka baxsaday inuu maanta dalka ku duleeyo WALAAHI inaanay soconayn Axmedoow oo aanad ka faa’iideyn oo aad noqonayso ka ugu cabaadka baddan waanan is-garanaynaa”
“Maalmihii dalka la xoreeyey ee la xusi lahaa ayaad adna xabad guryaha ugula dhacaysa, waar maalintii loo baahna miyaad la soo dhacdid maalintii lagaga baahna xiniin-yaha iyo raganimada intaad lix jirka ugu dhacaysid guryaha maanta waa maalintii dalka la dhisi lahaa ee ubadka loo caqli celin lahaa”.Ayuu yidhi Ibraahim.
“Cid kaaga jilicsani ma jirto ee xabada dabada ha u soo saarin waa ninkaa Telefiishanka ka baqanayaa ee inta uu cajalad iska soo qabto ayaa dad looga tag la’a-yahay su’aalaha ayuu ka baqayaa, markaas ayuu leeyahay afar inan oo yaryar qoryaha qaata”.Ayuu yidhi
GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKA DHEGO WEYNE
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Dhegta1J.mp3″]
Hargaysa SDN/QJ
contact@somalidiasporanews.com
