|

Ciidamada Booliska iyo Nabadsugidda Banaadir Oo La Faray Inay Ka Amarqaataan Guddoomiye Muungaab ka Hor Intaanu Xilka La Wareegin

Muqdisho:28-Feb-2014(SDN)-Ciidanka Booliska iyo Kan Nabadsugidda ee Gobolka Banaadir ayaa La Faray inay Ka Amar qaataan Guddoomiyaha Cusub ee Gobolkaas General Muungaab kadib markii Xilka Laga Qaaday Guddookiyihii Hore ee Gobolkaas Mudane Tarsan.

isbeddeWareegtadii Xilka Lagaga Qaaday Guddoomiye Tarsan ayaa lagu Sheegay inay Ciidamada Booliska iyo Nabadsugidda ahi si Buuxda u Hoostagaan Guddoomiyaha Cusub, waxana La Sheegayaa inuu Xalayba Gacanta ku Hayey Hagidda iyo Amarrada kala Duwan ee Ciidankan la Siinayey.

Gereral Muungaab oo Khibrad Badan u Leh Arrimaha ammaanka Magaalada Muqdisho, ayaa Habeenkii Xalay Shirar Kala Duwan la Qaatay Saraakiil, Wasiirro iyo Xubno Sare oo Nabadsugid ah, isagoo kala Tashaday Habka ugu Haboon ee Looga Hortagi Karo Dhibaatooyinka Ammaan ee Magaalada Waayadan  dambe kusoo Kordhaya.

Madaxtooyada ayaa si weyn uga Soo Horjeedday inuu Tarsan sii Hayo Xilka, waxana ka Hor munaasibadda Xil-wareejinta laga sii Wareejiyey dhammaan Shaqooyinkii Muhiimka ahaa ee uu Hayey oo ay ka mid ahaayeen Ciidamada Booliska iyo Nabadsugidda  oo lagu wareejiy Guddoomiyaha Cusub.

Dhibka Ammaan Darro ee Muqdisho ee Muqdisho ayaa Bilihii ugu dambeeyey Si weyn u Batay, waxana Dawladdu Haatan ay Doorbidaysaa innay Isbeddel ku Samayso Saraakiisha Dhinaca Maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo la filayo in Dhawaan La Beddelo Saraakiil kale oo Gobolka Banaadir Ammankiisa Qaabilsan oo shaqadooda la Saluugsan yahay.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed