|

Ciidamo Tiro Badan Oo Ka Goostay Jabhadda Raaskambooni, Sababta Keentay iyo Meesha ay u Dhaqaaqeen

Kismayo:28-Feb-2014(SDN)-Ciidamo Tiradooda Lagu Sheegay ilaa 600 oo Askari oo Hore Jabhaddii Raaskaambooni ugaga Soo Biiray Dhinaca Jabhadda ONLF, ayaa Gebi ahaanba La Sheegayaa inay Iskaga Baxeen Magaalada Kismayo, kadib Markii ay Ogaadeen in Halkaas ay ku Soo Wajahan Yihiin Ciidamada Ethiopia.

jabCiidanka oo Shalay Galabtii Dhaqaaqay ayaa la Sheegay inay u Jihaysteen Dhinaca Deegaanka Raaskaambooni iyo Biyomadoobe ee isla-gobolka Shabeelada Hoose, iyagoo Qorshaynaya inay  Shacab ahaan ku Galaan Magaalooyinka, Wajeer, Gaarisa iyo Habaasweyne ee Dalka Kenya.

Goosashada Ciidankan ONLFta ka Tirsaan JIrey ayaa Dhabarjab weyn ku ah Kooxda Aadan Madoobe oo Haatan aan wali Yeelan Awood ciidan iyo Cudud ay  Ku Hantiyaan Deegaanada ay Gacanta ku Hayaan.

 

Maamulka Kismayo ayaan sidoo kale wax Hadal ah ka soo Saarin Baxsasahada Ciidankan, waxana ay Wali ku Mashquulsan Yihiin Xallinta Sababta Baxsashada Ciidankaas Goostay

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed