Dimishiq April 22 2013 (SDN)– Ciidamada dowladda Syria ayaa la wareegay Magaallo ku dhaw Caasimada Dimishiq ee dalkaasi, ka gadaal dagaal qaraar oo ay ku dhinteen ugu yaraan 80-ruux oo ay ku jiraan caruun iyo haween.
Dhaq-dhaqaaqayaal ku sugan dalka Syria ayaa sheegay in ciidamada Syria ay duqeyeen qaadatay 5-maalmood ku garaacayeen Magaalada Jdaidet al-Fadl taasi oo ay ugu danbeyntii gacanta ku dhigeen.
Wakaalada Wararka Syria ee SANA ayaa sheegtay in ay ciidamada dowladda ay qasaaro xoogan gaarsiiyeen sida ay hadlka u dhigtay kooxo Argagixiso ah oo Magaaladaasi ku suganaa.
Qaramada Midoobay ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in 70-kun oo ruux ugu yaraan ay ku geeriyoodeen colaadaha wali ka holcaya dalka Syria ee qaarada Aasia.
SDN-Dimishiq
