|

Madaxweyne Faroole oo Eedeeyay Dowladda Turkiga ee samafalka kawada Soomaaliya

Garoowe April 22 2013 (SDN)— C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole Madaxweynaha maamulka Puntland oo ka hadlay caawinaad ay ka heleen dowladda Talyaaniga oo ugu deeqday 15 gaadiid ayaa eedeeyay dowladda Turkiga.

Faroole waxa uu sheegay in Turkiga uu ka baxay dhexdhexaadnimada oo uu mashaariicda ku koobay magaalada Muqdisho laakiin waxa uu sheegay in hadii ay wax ku tareyso dowladda Soomaaliya aysan ka xumeen.

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa tilmaamay in laga doonaye Turkiga howlaha mashaariicda ah ay ka wadaan dalka Soomaaliya qeyb kamid ah ay gaarsiiyaan deeganada maamulka Puntland wuxuuse tilmaamay inaysan ka xumeyn hadii Muqdisho kaliya ku koobeen.

Madaxweynaha Puntland ayaa waxa uu sidoo kale dowladda Talyaaniga ka codsaday in ay gacan ka siiso adeegyada bulshada sida dhismaha Iskuulada iyo sidoo kale in ay maalgashato deegaanada Puntland.

Faroole ayaa is barbar dhiga Maamulkiisa iyo dowladda dhexe oo marka ay talaabo qaado ama taageero loo fidiya ku hanjaba in hadii aan loo qaban inta dowladda ay heshay ay Puntland is maamuleyso.

SDN-Garoowe

Comments are closed