Hargeysa Mar 03,2014(SDN)-Kulan balaadhan oo ay soo qaban qaabiyeen maasuuliyinta Wakaalada Biyaha ayaa waxa uu ka qabsoomay Xalay STAR HOTEL ee magalada Hargeysa, waxaana ka soo qaybgalay kulankaasi Maareeyaha Wakaalada Biyaha mudane Ibraahim Siyaad, iyo Maareeye kuxigeenka W/Biyah Eng. Ismaaciil Cabdilaahi iyo hayadaha gacanta ka gaysanaya fulinta mashruuca biyo balaadhinta magalada Hargaisa oo uu maalgalinayo midowga yurub kuna maalgalinayo lacag dhan € 17,500,000 (Toba iyo toban Million iyo badh oo yuuroo) isla markaasina ay fulinaysay UN-HABITAT oo uu ka socday ninka mashruucan ka masuul ka ah oo layidhaahdo RICHARD iyo xubno kale, Waxaakale oo kulankan kazoo qayb galay Wasiir ku xigeenka wasara caafimadka marwo Nimco Xusen Qawdhan ,bulsho waynta ku kala dhaqan xafadaha M.Haybe iyo M.Mooge oo isugu jiray, aqoonyahanka, cuqaasha, culimada, dhalinyarada, dumarka iyo qaybaha kala duwan ee bulshadu ay ka koobantahay, kulankaas oo ay ujeedadiisu ahayd sidii loogu soo bandhigi lahaa Mashruuca Biyo kordhinta ee Caasidama Hargeysa oo la filayo in dhawaan la bilaabo. Kulankan oo daba socday kulamo lala yeeshay degmooyinka Axmed-dhagax iyo Gacan Libaax Kulan ayaa lagu lafa guray doorka ay ku yeelanayaan degmooyinka M.Haybe iyo M.Mooge mashruuca biyo kordhinta ee Caasimada Hargiasa , waxaana ugu horaynba lagusoo bandhigay habka iyo hanaanka uu socdo mashruucaasi iyo haatan halka uu marayo kadib markii lasoo bandhigay mashruuca iyo sida uu u soconayayo ayaa waxa ugu horaynta halkaasi ka hadlay maareeyaha Wakalada Biyaha Mudane Ibraahim Siyaad kaas oo tilmaamay in mashruucan yahay mid aad u balaadhan oo ay ugu deeqeen Midowga Yurub , looguna tallo galay mashruucan sidii wax ka bedel loogu samayn lahaa habka ay Caasimada Hargeysa ay biyuhu usoo gaadhi lahayeen isla markaana dhuumihii hore ee duugoobay loogu bedeli lahaa kuwo cusub, isaga oo tilmaamay in uu maanta uu marti uu yahay degmooyinka M.Haybe iyo M.Mooge Intaa kadib waxa loo gudbay su’aalihii ay ka qabeen bulshada ku dhaqan degmooyinka M.Haybe iyo M.Mooge ee ku wajahnaa baahida balaadhan ee ay labadaasi degmo ay u qabaan in ay biyo helaan , taas oo aanay haba yaraatee ka helin wax biyo ah Wakaalada Biyaha ee Hargeysa, habka keliya ee ay ku helaana ay tahay in ay booyado ka shubtaan biyaha marka laga reebo degmada M.Haybe oo biyo yar oo aan lasheegi karin ka hesha Wakaalada Biyahaha ee Hargeysa. Su,aalah ugu muhiimsaan ee lagu waydiiyay masuliyiinta Wakaalada Biyaha Hargeysa iyo maalgeliyaasha ayaa waxaa ka mid ahaa:-
1. Maxaad noogu iman waydeen oo wax nooga waydiin waydeen markay haboonayd? Waayo imika waa wakhti xeedho iyo fandhaal kala dheceen oo Mashruuca cidii fulinlahayd aad isugu yeedheen si aad u kala saartaan, wax macno ah oo ay ku fadhidaana ma jirto inaad imika nala kulantaan.
2. Sidee lagu soo gaadhsiin karaan biyo degmooyinkaasi M.Haybe iyo M.Mooge?
3. Dhaqaale intee leeg ayuu ku kacayaa mashruucani, se maxaad ku doorateen inaad tixgalisaan tayaynta beebabkii hore ee loo tixgalin waayay bulshadan biyo la’aantu bariinsatay?
4. Mashruucuu mayahay mid lagu noqon karo oo lagu samaynkaro dib u eegis (Project Review)?
5. Qaabkee loo qaynbiynaya mashruucaasi biyo balaadhinta Caasimada ee Cadaalad loogu samayn karaa Bulshada ku dhaqan Caasimada Hargeysa? 6. Waxaad noo sheegtaan Degmo kasta inta u kordhi doonta ee uu soo kordhin doono mashruucu percentage ahaan?
7. Sida ay ugu talo galeen muhiimad ahaan mashruucaasi , sidee ayaa loo kala horaysiinaya ma kuwa biyaha la,a ayaa la gaadhsiinayaa mise kuwa biyaha haysta ayaa loo laba jibaarayaa sida ka muuqata jaatuskan mashruuca ee aad soo bandhigteen (Prioritizing )? maareeyaha wakalada biyaha ayaan marnaba wax jawaaba oo ay ku qancaan bulshadaasi aan ka siin mashruucaasi biyo balaadhin casimada Hargeysa.
Wasiirkii hore ee wasarada qorshaynta qaranka , Cali Ibraahim( Cali Sanyare ) ayaa hoosta ka xariiqay baahida balaadhan ee bulshada ku dhaqan labadaasi degmo ay u qabaan in ay helaan biyo isla markaana la saxo qaladaadka mashruucaasi cadaaladna lagu saleeyo , bulshada ku dhaqan degmooyinkaasina aanay raali ka ahayn qaabka loo maamulay mashruucaasi biyo balaadhinta magalada Hargeysa .
Aqoonyahanka iyo bulshada kale ee kasoo qaybgashay ayaa iyaguna doorkooda waydiimood ka ciyaaray waxanay si buuxda u sheegeen in maanta kulankani yahay mid dib u dhacay oo wakhtigiisii la dhaafay haatana ay tahay uun QAWDA MAQASHII WAXAN HA U QABAN, wax uga dan ah degmooyinkaasi aanay jirin mashruucaasi .
Boqor Raabi Jiilaal ayaa isaguna waxa uu tilmaamay in uu ka xunyahay qaabka dabacsan ee uu maareeyuhu uga jawaabay su,aalaha looso bandhigay, ku waasi oo isugu jiray kuwo farsamo iyo kuwo maamul, islamarkaasina wax laga xishoodo ku tilmaamay in uu maanta marti uu u noqdo degmooyinka ka tirsan magalada Hargeysa ee uu maareeyaha u yahay mareeyuhuu ,waxaanu tilmaamay in aanu mashruucani suuro gal ahayn In sidaasi lagu qaato , ugu danbayntiina waxa uu soo xidhay kulankii.
Maareeyaha oo aanay u suuro galin inuu sii joogo goobta shirkaasi ka qabsoomaya , kadib markii uu ku guul daraystay inuu ka jawaabo su’aalihii lasoo bandhigay ayaa goobtii shirku ka socday isaga huleelay, waxayna bulshada shirkaasi isugu timid ku gunaanadeen in laga daba tago mashruucaasi si loogu sameeyo wax ka bedel dhinaca biyo qaybinta oo ay ku tilmaameen inaanu ahayn mid caadalad ku dhisan, loona baahan yahay in la saxo qaladaadka ku jira mashruucaasi.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com
