|

Ciidanka Booliska Hargeysa oo Saldhig Cusub ka Furtay Xaafada Geerash Aw Aadan

Hargeysa April 29,2012(SDN)-Wasiirku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha  ee dhinaca amniga Mudane C.laahi Abokor Cismaan  ayaa xadhiga ka jiray  saldhig  Boolis  oo laga hirgaliyey  xaafadda  geerash  aw aadan ee magaalada  hargeisa.

Munaasibaddan xadhiga lagaga  jarayey  saldhig  cusub  oo ciidamada Boolisku ay  yeelan doonaan   xaafadda geerish aw aadan  oo ku taala waqooyiga  magaalada  hargeisa ayaa ugu  horayn  waxa ka hadlay  mdashaasi odayaasha  iyo wax garadka degan  xaafadaasi waxaanay sheegeen in  markii ay  arkeen korodhka  dadka iyo dhsimayaasha oo maalinba maalinta  ka dembaysa  sii badanaya  isla markaana  ay ka mid yihiin  xaafadaha cusub ee kusoo biiray  caasiamdda ee aan lahayn  saldhig Boolis  inay degaan ahaan  sila qaateen in ay  iskood  u dhistaan saldhig Boolis, si  loosii xoojiyo  xaaladda dhinaca  amniga  ee xaafaddaasi, isla markaana ay ku wareejiyaan  xukuumadda  Somaliland.

Waxaanay u soo jeediyeen  xukuumadda  Somaliland  inay  dhamaystiraan  baahiyaha dhiman  ee gaadiidka iyo  ciidanka  Booliska  ee saldhigaasi,  iyagoo  xusay in ay  xaafadan tahay  xaafad  cusub balse  aad u ballaadhan .

Taliyaha guud ee ciidamada  Booliska  General  C/lahi Fadal  Iman  ayaa isna  ubalan qaaday  bulshada  ku dhaqan  xaafaddaasi  inay ka haqab tiri doonaan ciidan  Boolisk  oo si buuxda uga  hawl gala saldhigaasi cusub,  waxaanu xusay  in uu isagu hore  u  dhagax  dhigay  dhismahan, isagoo hogaan ah,  haatana aan  ku faraxxsanahay  ayuu yidhi in maanta  aan dhamaysatiray  anigoo taliye ah,  sidoo kale  wuxuu soo dhaweeyey  cidkasta  oo gacan ka gaysatay  dhismahaasi.

Wasiirku xigeenka  wasaaradda arrimaha gudaha  ee dhinaca  amniga  ayaa uga  mahad  celiyey  bulshada   ku dhaqan xaafadaasi  wax  wada  qabsiga ay  sameeyeen   maanta ,  waxaanu  u ballan qaaday inuu kala qeyb qaadan doono wixii dambe ee baahi   yimaada.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed