|

Wasaarada Shaqada Somaliland oo dhisme ka sameysayensa Burco

Burco April 29,2012(SDN)-Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Somaliland Mudane Maxamud Axmed Garaad ayaa Maanta si rasmi ah u dhagax dhigay xafiiska ay Wasaaradiisu ku yeelanayso Magaalada Burco.

Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada oo dhagax dhiga xaruntan kadib la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay inay Wasaaradiisu guud ahaan xafiisyada gobolada dalka ay ka furanayso si ay u wada jaan qaadaan ayuu yidhi hawl gudashada wasaarada,isla markaana ay ku bixi doonto sida uu xusay adduun gaadhaya afar boqol oo kun oo dollarka Maraykanka ah taas oo ay maal gelinayso sida uu cadeeyay hay’ada caalamiga ah ee socdaalada loona soo gaabiyo IOM .

Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Somaliland Mudane Maxamud Axmed Garaad waxa uu mahadnaq balaadhan u diray Wasiiradii uu bedelay Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac oo sida uu sheegay mudadii ay xilka wasaaradaasi haysay dadaal weyn u gashay sidii ay u hirgali lahayd xafiiskan uu dhagax dhigay iyo kuwo kale oo laga furi doono gobolada dalka.

Wasiirku waxa uu xusay in loo baahan yahay in dhamaan wasaaradaha qaranku ay ka wada shaqeeyaan gobolada Somaliland isla markaana ay helaan dhismayaal lagu soo hirto waxaanu intaas ku daray in xaruntan uu dhagaxa dhigay ay ka kooban tahay Shan Xafiis.

Munaasibada Dhagax dhiga xaruntan waxaa kale oo goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Isu duwaha Wasaaradaasi ee Gobolka Togdheer .

SDN-Burco

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed