Uncategorized

Ciidanka Nabad-ilaalinta AMISOM oo markii u horaysay maanta laga hawlgeliyay meel ka baxsan caasimadda Soomaaliya

Muqdisho 05, April 2012 (Qurbejoog.com/AFP)- Ciidanka Midowga Afrika ee hawlgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya, ayaa markii u horaysay Khamiistii maanta la geeyay magaalada dhinaca Koonfureed ee Baydhabo.

Siday ku warantay wakaalada wararka ee AFP, waa markii u horaysay ee ciidanka AMISOM loo diro meel ka baxsan Muqdisho tan iyo markii shan sanadood ka hor la hawlgeliyay.

Hawlgalka Midowga Afrika ee Somalia (AMISOM), waxa uu 100 ka tirsan askarta Burundi iyo Uganda u diray magaalada dhinaca Koonfureed ee Baydhabo, taasoo ay ciidanka Itoobiya bishii February ee sannadkan ka qabsadeen maleeshiyada Al-Qaacida xulufada la ah ee Al-Shabaab. “100-kan askari waa kooxdii u horaysay ee 2,500 oo askarta AMISOM ah oo qayb qayb loo gayn doono (Baydhabo). Kooxdan waxa la dhinac dejin doonaa ciidanka Itoobiya ee ku sugan Baydhabo,” ayuu yidhi afhayeenka hawlgalka AMISOM Paddy Ankunda oo warsaxaafadeed soosaaray.

Baydhabo oo ah magaalada saddexaad ee ugu wayn Koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya, waxay 250 Km dhinaca Waqooyi-galbeed kaga beegan tahay caasimadda Muqdisho, waxayna fadhiisin u ahayd Baarlamaanka kumeel-gaadhka ah ee Soomaaliya ka hor intii aanau saddex sanno ka hor la wareegin dagaal-yahanada Al-Shabaab.

Ciidanka AU ka jooga Soomaaliya waxay hadda gaadhayaan 10,000 (toban kun) oo askari oo ka kala socda dalalka Burundi iyo Jabuuti iyo dalka Uganda oo ahaa kii koowaad ee 2007 ciidan geeya Muqdisho, si ay ula dagaalamaan kooxda Al-Shabaab oo doonaya inay afgambiyaan dawlada taagta daran ee ay reer Galbeedku taageerayaan. “Maanta waxay talaabo hore loo qaaday u tahay hawlgalka ciidanka Midowga Afrika iyo qof kasta oo doonaya inuu nabad ku arko Soomaaliya,” sidaana waxa yidhi Audace Nduwumunsi oo ah kuxigeenka taliyaha ciidanka AMISOM.

Qurbejoog.com, Muqdisho

editor@somalidiasporanews.com