Uncategorized

Somaliland oo Jabuuti u gudbisay afar qof oo firxad ku soo galay xuduudda Lawyacado

Saylac, 05, April 2012 (SDN)- Xukuumadda Somaliland ayaa maanta Dawladda Jabuuti u dhiibtay afar qof oo hore looga soo baacsaday dalkaas, iyagoo firxadkiina Somaliland ku soo galay, isla markaana haysta dhalashooyin Faransiis ah, kuwaasoo ahaa dad muslim ah.

Afartan qof oo ay qabteen Ciidamada Somaliland Guddoomiyaha Gobolka Salal Maxamed Muuse Bucul ayaa sheegay in amar Madaxtooyada kaga yimi awgeed uu ugu dhiibay Dawlada Jabuuti oo ay marka horeba ka soo galeen Somaliland.

Xukuumadda dhexe ayaan ilaa hadda si rasmi ah uga hadal afartan qof  ee lagu celiyay dalka Jabuuti.

Dhinaca kale dawladda Jabuuti ayaan iyaduna ka hadal sababta ay u soo eryadeen Islaamiyiintan iyo dembiga ay galeen.

SDN, Saylac