|

Ciyaaryahanka Heer Caalami ee Orodada Mo Farah Oo Si Xun Loo Aflagaadeeyay Iyo Qiso Murugo Leh Oo Xaaskiisu Soo Werisay

Hargaysa 13.Sep 2016 (SDN/QJ):-Xaaska orodyahanka Soomaaliga ah ee Mo Farah ee Tania Farah ayaa ka warrantay bahdilaad iyo aflagaadooyin loo geystay saygeeda intii ay joogeen Brazil, halkaas oo qisadii ugu xanuunka badnayd ay kula kulmeen.

mo-farah-655x360Sida Ay sheegtay Tania, Mo Farah, xaaskiisa iyo afartooda carruurta ah, ayaa galay safka diyaarad ay raacayeen, laakiin haweenay ka shaqaynaysay diyaaradda ayaa u timid Mo Farah, waxaanay ku bilowday aflagaado iyo cay, kaddibna waxay u sheegtay in safka uu ku jiro uu ka baxo oo uu noqdo qofka ugu dambeeya rakaabka safka ku jira ee diyaaradda fuulaya.

Arrintan oo ah bahdilaaddii ugu xumayd ee Mo Farah uu la kulmay laba toddobaad ka hor isaga oo ku sugan waddanka Maraykanka, wakhtigaas oo uu ka soo noqday waddanka Brazil oo uu laba billood oo dahab ah oo kala ahaa billadaha orodka 5000 mitir iyo 10,000 mitir ku soo guuleystay.

 

Tania ayaa sheegtay in qisada ay la kulmeen ay ka dhacday gobolka Atlanta ee waddanka Maraykanka, markaas oo duullimaad ay u raacayeen magaalada Portland ee gobolka Oregon ee isla waddanka Maraykanka.

 

Falkan oo dhacay bishii hore ee August 22-keedii, ayaa Tania oo ka sheekaynaysa sidii ay wax u dhaceen waxay tidhi: “Haweenaydan (shaqaalaha diyaaradda) bahdilaad ayey ku wadday illaa intii ay dad kale u imanayeen ee lagu odhanayey: ‘Waa Mo Farah, ninkii ku guuleystay Champion-ka…’ markaas ayey dib u xishootay, laakiin markii hore, waxay ku tilmaamaysay inuu yahay waslad yar oo xaar ah. Mo Farah waxa uu ahaa qofka kaliya ee madow ee safka ku jira, isaguna waxba ma samayn oo ma dacweynin. Waxaan ogaaday in dhibaato uu ku hayo (midabka madow).” Sidaas ayey tidhi.

 

Mo Farah oo ay la socdeen kooxdii kale ee Boqortooyada Ingiriiska uga qayb-gashay ciyaarihii Olaympics-ka ayaa ka markhaati kacay in falkani sidan u dhacay.

 

Mo Farah iyo qoyskiisa ayaa diyaaradda si caad ah u fuulay, markii ay qayliyeen dadkii safka kula jiray, iyagoo u hiilinaya, kaddibna uu soo baxay mid ka mid ah saraakiisha diyaaradda oo kala dhex-galay Mo Farah iyo dadka u hiilanayey iyo naagta cunsuriyadda ah.

 

Diyaaradda falkani ka dhacay oo ah Delta Airlines, ayaa afhayeen u hadlay waxa uu sheegay inay baadhitaan ku samaynayaan arrintan, si toos ahna ay ula shaqayn doonaan qoyska Mo Farah.

Source. Shabakada Ciyaaraha ee Cadalool

Comments are closed