|

‘’Muuse Biixoow Suurto Gal ma aha inaad Beesha Habar Jeclo Cod ka doonto, Waayo Ninkii Halgamaaga ahaa ee Sheekh Bashiir ayaa Lagu Bedelay Nin aan Islaam ahayn” DAAWO

Hargaysa 13.Sep 2016 (SDN/QJ):-Qoyskii uu ka tegay alle ha u naxariistee halgamaagii weynaa ee caanka ka ahaa dhulka Somaalida Sheekh Bashiir, ayaa nasiib daro iyo wax lagu xumaado ku tilmaamey in Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi uu ku hawlan yahey iibinta Iskuulkii dawladdii Militariga aheyd ee Maxamed Siyaad Bare ugu bagac-dartay Xuukamadda Axmed Siilaanyo ay maanta doonayso qaabkii ku tirtirilaheyd mujaahidkii weynaa taariikhdiisii oo si macno daro ah loo iibiyo Dugsigii loogu magacdaray ee Hoose dhexe ee Sheekh Bashiir oo ku yaala badhtamaha Magaalada Hargaysa.

Qaar ka mid ah qoyska reer Sheekh Bashiir oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay innuu iskuulka boqolaalka qof ka faa,iideen ee macnaha weyn ugu fadhiya ummadda ku abtirsata afsoomaaliga, kana soo baxeen boqolaal qof oo hore xukuumadu doonayso inay iibiso, uguna magac-darto ninkii Hindiga ahaa ee la odhan jiray Magtabada Gaadi, isla markaa waxay nasiib daro ku tilmaameen in arrintan oo kala hadleen Murashaxa Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo la sheegay inay ka mid yihiin Beeshiisa Sacad Muuse raga doonaaya inay xukuumadu ka iibiso oo ay ka badelaan taariikhda Iskuulka Sheekh Bashiir.

Comments are closed