Hargaysa 01.Jan 2014 (SDN)- Shabakada Wararka ee Qurbejooga Somalida ee Somalidiasporanews.com Waxay akhristayaasheeda Sharafta Mudan Meel kasta oo ay Dunnida Dacaladeeda kaga Sugan Yihiin u rajaynaysaa in Sannadkan Cusub ee Inoo Bilaabmay uu alle ka yeelo kii Rumeeya Hanka iyo Himilooyinka aynu leenahay isla markaana uu Sannadkii Tagay ee 2013 Haraatidiisa inaga Duwo kan inagu Cusubna uu Hirdidiisa inaga Weecsho.
Dhamaanba Hawl Wadeenada Shabakada Qurbejoog.com ama Somalidiasporanews.com, oo aad uga Barateen Warar Hufan oo Mihnada Saxaafadeed Hagayso kana Hawl galaan Weriyeyaal tiro badan oo ku kala Sugan dalal badan oo adduunka ah, Waxay Idiin balan qaadayaan In dhamaanba Asxaabteeda ku Xidhan in Sannadkan Cusub uu Isbedel Mug lehi Ka Muuqan doono Mareegta Qurbejoog anagoo idiin soo Gudbin doona Barnaamijyo aanu is leenahay waxay idiin soo dhawaynayaan inta ku Xidhan Shabakada iyo Asxaabta kale ee Inagu soo Biiri doonta Kuwaas oo ku taxaluqa arrimaha Bulshada si Indhaheena iyo Dhagaheenaba uga yaraadaan Wararka Siyaasiga ah isla markaana aynu u Jihaysano wax ka ogaanshaha baahiyaha dalka ka jira iyo fursadaha inta danaysa uga banaan.
Sannadkan kiisa alle ha inagu gaadhsiiyo bash bash iyo badhaadhe.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
