|

Daagaallo ka dhacay deegaano hoostaga gobolka Bakool ee Koofurta Soomaaliya

Xudur Nov 29, 2012 (SDN)—Dagaalkaan ayaa waxa uu ahaa mid xoogan oo u dhexeeyay Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo Ururka Al-Shabaab kaas oo uu ka dhashay qasaaro xoogan oo soo kala gaaray dhinacyadii wada dagaalamay.

Waxuu ka dhacay dagaalkaan xoogiisa degaano hoostaga Gobolka Bakool kaas oo la tilmaamay inuu socday dhoor saacadood islamarkaana la isku adeegsaday hubka culus iyo waliba kan fudud.

uga warbixiyay Gudoomiyaha Gobolka Bakool ee Dowlada Soomaaliya Maxamed Macalin waxuu sheegay in dagaalkaan uu ka dambeeyay kadib markii ay weerar ku qaadeyn Ciidamada Dowlada Soomaaliya degaano ay ku sugnaayeen sida uu sheegay Ururka Al-Shabaab.

Waxaana uu carabaabay inay siiwadayaan dagaalada ay kaga soohorjeedaan Al-Shabaab islamarkaana uu sheegay inay ka sifeenayaan Degaanada ay haatan kaga sugan yihiin Gobolka Bakool.

Dhinaca kale waxa maanta kulan wada qaatay Maamulka Gobolka Bakool ee Dowlada Soomaaliya iyo waxgaradka iyo dhalinyarada ku dhaqan halkaasi,waxuu sheegay Gudoomiyaha in kulanka intiisa badan looga hadlaY sidii Al-Shabaab looga saari lahaa degaanada ay kaga sugan yihiin Gobolka Bakool.

Dagaalkaan maanta dhexmaray Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa waxuu imaanayaa xili ay Al-Shabaab ku sugan yihiin Degaano ka tirsan Gobolka Bakool.

SDN-Xudur

Comments are closed