|

Mucaaridka Suuriya oo maalin gudohood ku soo riday ilaa sadex duyuuradaha dagaalka ah

Elepo Nov 29,2012(SDN)-Mucaaridka dalka Suuriya ee mudada dagaalka ba’an kula jira xukuumada dalkaas ee Bashar Al Asad ayaa markii u horeysay soo riday tiro duyuurado kuwa dagaalka ah.

Mucaaridka oo shaaciyay dhawaan in ay hub faro badan ka qabsadeen ciidamada dawlada Suuriya ka dib kolkeey gacanta ku dhigeen gegi duyaradeed oo xarun u aheyd ciidamada dalkaasi.

Mucaaridka Suuriya ayaa maanta soo bandhigay wax ay ugu yeereen haraaga sadex duyuuradood oo ay soo rideen.

Waxa shaashadaha reer galbeedka iyo uwa khaliijka laga daawaday dadka ku nool Alepo oo ku xoomaya burburka duyuuradahan ay mucaaridku soo rideen.

Mucaaridku waxa ay sheegeen in ay qabteen mid ka mida duuliyeyaasha duyuuradaha kuwii kalena ay ku daba jiraan.

Duyuuradaha dagaalka ee xukuumada Suuriya ayaa in mudo ahba duqeymo ku waday qaar ka mida degaanada shacabku ku nool yihiin ee gacanta u gala Mucaaridka.

Awooda mucaaridka ee soo ridida duyuuradaha ayaa ah isbedelkii u weynaa ee ku soo kordha dagaalka lagu kala bixi waayay ee Suuriya.

SDN-Elepo

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed