|

Magaalada Muqdisho oo loo sameynayo Ciidamo gaar u suga Ammaanka

Moqdisho Nov 29, 2012 (SDN)—Kullan ay manta golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ay ku yeesheen Magaalada Muqidsho islamarkaana uu shirgudoominayay Ra’iisul wasaaraha Soomaali Saacid ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka midyihiin Amaanka Magaalada Muqdisho iyo dalka oo dhan.

Shirka golaha Wasiirada Markii uu soo dhamaaday ayaa warfidiyeenka waxaa la hadlay Wasiiraka Wafaahinta Xukuumada Soomaaliya C/laahi Ciilmooge Xirsi waxaana uu sheegay in kullan lagu falanqeeyay arrimo badan oo Ammaanka la xiriiray.

C/laahi Ciilmooge Xirsi ayaa tilmamaay in kulan intii uu socday lagu gooyay ama lagu go’aamiyay in Magaalada Muqdisho Ammaankeeda loo xil saaro ciidamo gaar ah oo tababaran una dhameystiran qalabkooda sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka uu sii sharxayay qaabka Ciidamadan gaarka ah ay Ammaanka Muqdisho u sugayaan ayaa sheegay in xaafadiiba loogu tala galidoono sida uu hadalka u dhigay 100-Askari.

Mr Ciilmooge ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamadan gaarka ah aysan ka mid aheyn ciidamada qalabka sida balse ay ka madaxbanaanyihiin howshoodana ay noqon doonto xaqiijinta Ammaanka Muqdisho.

Kalfadhiga Maanta ee golaha Wasiirada Soomaaliya oo ay wasiirada qaar ka maqnaayeen ayaa waxaa sidoo kale lagu soo dhaweeyay Isbaarooyinka laga qaaday inta badan Magaalada Muqdisho taasi oo ay ku tilmaameen in ay tahay tilaabo hormar leh.

Dhanka kale Goluhu waxa uu sidoo kale ka dooday sidii loo dar-dargalin lahaa kaabayaasha dhaqaalaha dalka islamarkaana looga shaqeyn siin lahaa waqtiga dhaw.

SDN-Muqdisho

Comments are closed