|

Daawo Dhalinyaro Laga Soo Badbaadiyay Badweynta + Warbixin Murugo Leh!

Millano,7sep,2015(QJ/SDN)-Dhallinyaro fara badan oo Soomaaliyeed ayaa laga soo badbaadiyay Shalay Xeebaha Dalka Talyaaniga, Halkaasoo tahriibayaal fara badan oo Afrikaan iyo Carab ah ay sannad walba maraan si ay u gaadhaan Qaaradda Yurub. Haddaba dhalinyaradan ayaa marka aad aragtid jidh dilka loo gaystay iyo dhibta ka muuqata jidhkooda ayaa waxaad dareemaysaa dhibka ayb kala soo kulmeen mudaddii ay jidka kusoo jiree, wariyaha tvga Univsersal Ibraahim Cumar Baafe oo ku booqday dhalinyaradaasi magaalada Millano ee dalka Talyaaniga Ilmeeyay ka dib markii uu ka argagaxay dhibka iyo tacadiga ka muuqda dhallintaas aadka u da’yar.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaal:

 

QJ/SDN: Hargeysa

Comments are closed