|

Somaliland Oo Ka Hadashay Ujeedka Wefti Safar Ku Jooga Magaalada Jig-jiga

jig-jiga,7sep,2015(QJ/SDN)-Dowladda Somaliland ayaa markii ugu horreysay ka hadashay ujeedka wefti wasiiro ah safar ku tagay dalka itoobiya gaar ahaan magaalada Jig-jiga iyadoo halkaasi ay kulamo iyo shirar kula qaateen qaar ka mid ah madaxda dowladd degaanka soomaalida iyo dowladda fadaraalka itoobiya, Haddaba weftigan oo uu hogaaminaayay Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in ujeedkan safarkoodan ay ku joogaan magaalada jig-jiga uu ahaa mid ay labada dowladdood kaga wada hadlayeen dhanka arrimaha xuduudah, arrimaha bulshada, dhanka tahriibta, nabadda iyo wada shaqaynta.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland waxa kale oo uu sheegay in ay isaga iyo weftigiisu ay dowladda itoobiya ka wada hadleen dhanka arrimaha amaanka iyo ciidamada isagoo sheegay in wada shaqayn wanaagsan ka dhaxayso iyaga iyo itoobiya.

Wasiirka oo la hadlay laanta afka soomaaliga BBCda ayaa mar wax laga weydiiyay dhanka isku socodka dadweynaha oo weliba la sheego in dadka reer Somaliland lagu dhibo jidka u dhexeeya jig-jiga iyo Hargeysa ayaan wax jawab ah ka bixin arrintaasi.

Isku soo wada duuboo shirkan labada dal ay ku yeesheen magaalada jig-jiga ayaa u muuqda mid arrimaha dhanka ammaanka uun diirrada lagu saarayo gaar ahaan arrimaha islaamiyiinta geeska Africa ka dagaalanta.

Comments are closed