Abu Dhabi Mar 09,2014(SDN)-Guddoomiyaha Gollaha Wakiilada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Cabdiraxmaan Cirro iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa booqasho ku yimi dalka Isu taga Imaraadka Carabta.
Guddoomiyaha ayaa halkaa kula kulmay taageereyaasha xisbiga Wadani oo soo dhaweyn u sameeyay wefdiga oo u badnaa xildhibano ka tirsan gollaha Wakiilada.
