Jabuuti Oct 13,2013(SDN)-Madaxweynaha dalka Jamhuuriyada Jabuuti Ismaciil Cumar Geele ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasibadii Ciida ee shalay waxa uu uga waramay arrimo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen Xaalada Dhaqaale ee dalka,hanjebaadyo uga yimi Shabaabka iyo wadahadalada xukuumadiisu kula jirto mucaaridka dalkaasi.
Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in dalku uu haatan dhaqaalihiisu hour marayoo kobocu uu gaarsiisan yahay heer wanaagsan,halka uu ka sheegay in kooxda Al Shabaab ay tahay in hajaabadeeda ay la beegsato cidii ay Soomaaliaya ka xigto,sidoo kale madaxweynuhu waxa uu sheegay in mucaaridka Jabuuti ay miiska wadahadalada ka soo raageen ayna sugayaan,DAAWO.
