|

Dadka Sharciga Ku Jooga Boqortooyadda Sucuudiga ee Ka Ganacsada Kana Shaqaysta oo Markii Kowaad Lagu Soo Rogay  Cashuur ka Duwan tii ay Bixin Jireen,Cabashada Shaqeeyeyaasha oo Sheegay in Lacagtu ku badan tahay

Jidaha 23. July 2017 (SDN/QJ):- Dowlada Sacuudiga ayaa markii ugu horeysay canshuuro yaab leh ku soo rogtay dad ajnabiga ah ee ka shaqeysta dalkaas, kuwaasoo heysta sharciga degenaanshaha ama Iqaamada.

Laga bilaabo bishan July qof walba oo sacuudiga degganaasho sharci ah Ku jooga boqortooyada waxay ku soo dallaceyaa RS-100 oo u dhiganta $26 dollar oo bil kasta ah, haddii aad tihiin qoys ka kooban toban qof waxaa lagaa qaadayaa RS-1000 ama $260 dollar.

 

Marka laga gaaro sanadka 2018-ka lacagta intaas way ka sii badaneysaa waxaana bil walba lagugu soo dalaci doonaa RS-200 oo u dhiganta $52 dollar oo bil kasta ah, Haddii uu qoyskaagu ka kooban yahay 10 qofood oo dal ku joog leh, waxaa lagaa qaadayaa RS-2000 oo u dhiganta $520 dollar.

 

Sanadka 2019-ka Marka la gaaro lacagtu way sii kordheysaa waxaana bil walba laga qaadi doonaa 300 riyal ama $78 oo bille ah, haddii aad qoys tihiin qof walbo waa inta adiga lagaa qaaday oo kale.

 

Sidoo kale 2020-ka lacagta lagaa qaadi doono bishi waa 400 riyal ama $104, qoyskaagana qof walboo ka mid ah waxaa laga qaadayaa inta adiga lagaa qaaday oo kale.

 

Amarkan ayaa la sheegay inuu ka dambeeyo dhaxal sugaha cusub oo uu ah wiil uu dhalay boqorka dalka Sacuudiga.

 

Ajaaniibta ka shaqeysta dalka Sacuudiga ee sharciga degenaanshaha heysta ayaa waxaa soo wajahay walaac ku aadan amarkan, waxayna sheegeen ineysan islaheyn lacagaha ay ku shaqeeyaan iyo canshuurta lagu soo rogay, iyagoo sheegay in haddii go’aankan laga dhabeeyo ay sababi karto xaaladu iney dalkaas isaga baxaan.

Comments are closed